Sida Madaxda Iyo Siyaasiyiinta Somalidu Uga Falceliyeen Doorashada SLAND.

Wednesday November 20, 2024 - 02:05:55
Hadhwanaag
"Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey xisbiyada kala ah …"



Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhamaal hambalyo ah u diray musharraxa ku guulaystay xilka madaxtinimada jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro.

 

War ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri: Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi

 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey xisbiyada kala ah; Waddani, Kaah iyo Kulmiye natiijada ay ka gaareen doorashada, waxa uuna bogaadiyey bisaylka iyo fahanka dowladnimada ee ay muujiyeen bulshada Somaliland.

 

Qoraalka hambalyada ee ka soo baxay madaxweynaha Soomaaliya ayaa loogu sheegay madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro: Sidaan" Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u xaqiijiyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cirro in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go'an tahay dhammaystirka wada-xaajoodyada dib u heshiisiinta labo geesoodka ah, taas oo muhiim u ah horumarka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed,".

 

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale hambalyo u diray madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.

 

Qoraal lagu baahiyay baraha bulshada ee xafiiska raysal wasaaraha iyo boggiisa gaarka ah ayaa lagu yiri: "Waxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha inuu Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee loo doortay. ayuu yiri Raysal Wasaaraha xkuumadda federaalka Soomaaliya.

 

Madaxweynhii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna hambalyo iyo boogaadin u diray madaxweynaha doorran ee Somaliland.

 

Dhanka kale waxaa madaxweynaha la doortay hambalyo u diray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Madaxda Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa sidoo kale u hambayo u diray Cirro.

 

Sidoo kale siyaasiin iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa u hambalyay Cabdiraxmaan Maxamed Cbadullaahi Cirro.

 

Doorashada dadwayne ee ka dhacday Somaliland waa mid mudan boggaadin, iyadoo ay heshiis kuwada ahaayeen Xisbiyadda iyo ururada siyaasadeed oo dhan.

 

Geedi-socodkaan dimuquraadiyadeed ee Doorashada tooska ah waxay shacabka Somaliland siisay fursad ay si nabad ah oo daahfuran codkooda ugu dhiibtaan.

 

BBC

     
Loading...