Dowladda Itoobiya ayaa waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka wadashaqaynayaan howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AUSSOM, kadib markii uu shalay magaalada Muqdisho kulan ku dhexmaray wasiirada difaaca ee Soomaaliya iyo Itoobiya, sida uu bartiisa X ku daabacay wasiiru-dowlaha arimaha dibadda ee Itoobiya.
"Labada waddan ayaa waxay ku heshiiyeen in ay ka wada shaqeeyaan howlgalka AUSSOM, xoojiyaanna xiriirka laba-geesoodka ah," ayaa ku yiri qoraalka.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo isna boggiisa X qoraal ku soo daabacay ayaa waxa uu sheegay, in wafdiga Itoobiya oo ay hugaamineysay dhiggiisa Aisha Mohamed, ay ka wada hadleen sidii labada u hormarin lahaayeen iskaashiga dhanka difaaca ee ka dhaxeeya ee labadal dal.
"Iskaashigu waxa uu suuragalin doonaa jawi wax ku ool u noqon kara nabadda iyo barwaaqada gobolka Geeska Afrika," ayuu yiri wasiir Nuur.
Dhanka kale Wakaaladda Wararka ee dowladda Itoobiya, ayaa waxay sheegtay in wafdigii shalay gaaray magaalada Muqdisho, in ay kulan la qaateen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayna gaarsiiyeen farriin ay uga sideen ra'iisul wasaare Abiy Ahmed, sida ay ka soo xigteen Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Itoobiya.
Waxay intaas raacisay wakaaladda wararka ee dowladdu in labada dhinac ay isku afgarteen in wadahadaladu ay sii socdaan, iyada oo la filiyo in saraakiil sarsare oo ka socda Soomaaliya ay gaaraan magaalada Addis Ababa xilli aan sidaas u fogeyn.
Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in murankii ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya xal laga gaaray.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa muddo sanad ah u dhaxeeyay khilaaf ka dhashay markii Addis Ababa ay heshiis is afgarad ah la gashay Somaliland. Heshiiskaas ayaa dhigayay in Itoobiya laga kireeyo dhulbadeed gaaray ilaa iyo 20km.
"Dulqaadka Soomaaliya ayaa lagu xalliyey ayaan dhihi karnaa arrintii nagala dhaxaysay Itoobiya. Waxaa lagu xalliyey xigmadda Soomaalida, waayo dadka shaatigooda lagu qabsaday oo kallarka lagu dhegey, oo cunaha la qabtay annaga ayaan ahayn. Dadka dhulkoodii lagu qabsaday oo baddoodii lagu qabsaday annaga ayaan ahayn, xigmad baana looga gudbay. Taasi waxay ka markhaati kacaysaa bisaylka" ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi.
Balse labada dhinacba si cad ugama hadlin waxa lagu dhameeyay heshiiskii is-afgaradka ee uu markii horaba muranku ka dhashay. Kuma aysan soo hadal qaadin wararka ay soo saareen ilaa iyo haatan.
BBC du waxay isku dayday in la xiriirto dhanka dowladda Soomaaliya si aan waxa uga waydiino kulamadii ay la qateen wafdiga Itoobiya, balse iskudayo badan nooma suuragalin inaan helno.
Kulamadii dhexmaray wafdiga Itoobiya iyo dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegtay warbaahinta Dowladda Itoobiya in ay guul ku soo dhamaadeen.
Kowdii bishaan ayuu si rasmi ah u bilowday howlgalka AUSSOM sida uu baahiyay xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Masar ayaa horay u xaqiijisay in ciidamadeedu ay qayb ka yihiin howlgalka cusub, ayna Soomaaliya ka caawindoont sugista ammaanka dhulkeeda iyo badeedaba.
Itoobiya oo muddaba xiriir wanaagsan ka dhaxayn Masar oo ka dhaxeeyo muranka wabiga Niil, ayaa horay dareen uga muujisay doonista Masar ee ahin ay ciidamada keeni doonto Soomaaliya.
bbc/somali