Warbaahinta Dalka Itoobiya Oo warkan qaarkood baahiyay
Waxa sii xoogsanaya Wararka sheegaya in Dawladaha Itoobiya iyo Imaaraadka Carabtu ay heshiis ku gaadheen in la dhiso Khad Tareen Oo Isku xidhaya Dalalka Somaliland iyo Itoobiya.
Warbaahinta Dalka Itoobiya Oo warkan qaarkood baahiyay ayaa intaas ku daraya in Qiimaha dhabadan Cusub ee Khadka Tareenka Isku xidhi doona Berbera ilaa
Itoobiya qiimihiisu uu ku kici doono dhawr bilyan oo dollar.
Itoobiya ayaa u aragta in Djabouti ku tiirsanaanteedu aanay xilligan muhiim ahayn, loona baahan yahay jiho cusub.
Imaaraadka Carabta ayaa isku wada Saaxiibtinimada Somaliland iyo Itoobiya, balse iskuma san banaana UAE Iyo Djabouti, Maxaa yeelay khilaafkooda ayaa ka bilawday markii Taliskaasi ay eryeen shirkadii DP World oo maalgashatay Dekeda Djabouti.