Komishanka Doorashooyinka Qaran Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay Natiijadii Doorashada ee xisbiyada Qaranka, u gudbiyey guddida diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta asxaabta Qaranka.
Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Mudane Muuse Xasan Yuusuf, waxa uu xusay in guddida ay ugu wareejiyeen natiijada si ay waajibaadkooda dastuurku siiyay uga gutaan, waxaanu hoosta ka xariiqay inay ku wareejiyeen guddoomiyaha guddida diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta asxaabta Qaranka, guddoomiye ku xigeenka iyo xubnaha kale ee guddidaasi.
Waxaanu yidhi."Anaga oo gudaneyna waajibaadkayaga sida uu dhigayo Xeer 14, qodobkiisa 26-aad farqadiisa 1-aad, kaas oo dhigaya marka maxkamadda sare ku dhawaaqdo natiijada in guddida doorashooyinku, guddida diwaangelinta ugudbiso natiijadii doorashooyina waxa farxad noo ah in aanu ku wareejino guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeenka iyo xubnaha guddida, si waajibaadkooda dastuuriga ah ee sharciga ah uga gutaan”
guddida diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta asxaabta Qaranka.