Madaxweyneha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bogaadiyay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.
Sidoo kale Waxa uu qiray bisaylka iyo qaan gaadhnimada Shacabka ee sida xorta ah ee ay codkooda u bixiyeen "Waxa aan u hambalyaynayaa Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxaanan qirayaa qaan gaadhnimada Shacabka walaalaha sida nabad galyada ah ee ay codkooda nabada ugu dhiibteen”