Guddiga doorashooyinka Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland oo shir jar'aaid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa shaaciyay in musharraxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro uu ku guulaystay marka la eego natiijada ku meel-gaarka ah.
Arrintaa ayaa ka dhigan in musharrax Cirro uu ka guulaystay madaxweynaha xilka haya ee Muuse Biixi oo u sharraxnaa xisbiag Kulmiye iyo Faysal Cali Waraabe oo isna u sharraxnaa xisbiga Ucid.