DEG DEG Wasiir Cali Mareexaan oo sheegay in Somalia ay Dagaal toos ah ku soo qaaday Itoobiya

Saturday September 07, 2024 - 16:12:35
hadhwanaagtv
Wasiirka Warfaafintu wuxuu tilmaamay in xilligaas ay dadka..

Wasiir Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X(Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, wuxuu ku sheegay xilligii Soomaaliya iyo Itoobiya uu dagaalku dhex maray sannadkii 1977kii ay saraakiishii iyo dadka reer Somaliland ay ka dagaalameen safka hore ee furimihii labada dal ku dagaalameen.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu tilmaamay in xilligaas ay dadka reer Somaliland ka qaateen qeybta u weyn dagaalkii dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya.

Wasiir Cali Mareexaan wuxuu intaas ku daray in maamulka Muqdisho ay xilligan iclaamiyeen dagaal ka dhan ah Itoobiya, waxaannu is weydiiyay cidda imika la dagaalami doonta Itoobiya
     
Loading...