Hargaysa (HWN) Wasiirka
Madaxtooyada Dawladda Puntland Abdifatax Cabdinuur ayaa ka jawaabay hadal
Dawlada Somaliya wax kaga sheegtay doorashadii sida nabad gelyada ah uga
dhacday dhawaan Somaliland.
Wasiir Cabdifataax
ayaana hadal uu baahiyay Wasiir Fiqi sidan uga jawaabay.
"Dagaalka indho
la'aanta ah Fiqi cilaamiyey ee lagu qaadayo saaxiibada beesha caalamka waxaan
ka baqaa in ay soo dadajiso ictiraafka Somaliland. Yasida Doorashooyinka Dimuqraadiyada ee walaalaha Somaliland ku talaabsadeen iyo
hadalada xanafta leh waxay xoojinayaan
oo kaliya kala fogaanshaha Umada Soomaaliyeed.” Ayuu bartiisa facebook ku yidhi
wasiir Abdifataax oo ka tirsan xukuumada Puntland.
Fiqi ayaa sheegay in
qaar ka mid ah safiiradii goobjoogga ka ahaa doorashada Somaliland ay la
tiigsan doonaan sharciga, isaga oo ku eedeeyey inay ku xadgudbeen
madax-banaanida Soomaaliya.
Hadalka wasiir fiqi ka
soo yeedhay ayay dad badani ku lafa gureen baraha Bulshada iyagoo intooda badan
ay ka horyimaadeen dhawaaqa wasiir fiqi.