Golaha Wasiirrada Somaliland oo Go'aamiyey in laga baxo Wada-Hadaladdii Dalka Soomaaliya

Thursday April 17, 2025 - 12:01:58
hadhwanaagnews
Haddaba afar qodob uu xudun u ahaa War-murtiyeedkii ay soo saareen...



Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gabi-ahaanba laashay wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, kadib markii ay ku kacday xad-gudubyo ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo mabaadi’dii wada-hadalladii hore u dhexmaray labada dal.

 

Geesta kale xukuumaddu waxa ay sheegtey in Maxaabiista uu Raysal-wasaaraha Soomaaliya geeyay Magaalada Muqdisho aanay ahayn Maxaabiis dagaal, isla markaana aanay jirin wax wada hadala oo laga galey siideynta Maxaabiistaasi, xukuumaddu waxa ay intaas ku dartay in hore ay ugala hadashay arrimaha maxaabiista dalalka JSL, saaxiibka la ah, sida Maraykanka, Ingiriiska, Denmark, Turkiga iyo Emirate-ka Carabta.

 

Waxa kale oo xukuumadda JSL, beesha caalamka ugu baaqday in ay si degdeg ah uga falceliso xadgudubyada ay Dowladda Soomaaliya ka geysanayso Deegaanka Bariga Sool ee Somaliland,

 

Dhanka kale Xukuumadda Somaliland waxa ay si adag u canbaareysay tallaabadii daandaansiga ahayd ee uu Raysal-wasaaraha Soomaaliya ku tagey magaalada Laascaanood, 12/4/2025-ka, iyada oo ku tilmaantay xad-gudub ka dhan ah Qawaaniinta Caalamiga ah, iyo madax bannaanida dhuleed ee JSL.

 

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hore u shaacisay inay si weyn u daneynayso nabadeynta degaanka bariga Sool, waxaaney intaas raacisay inay haddana mudnaanteeda kowaad ay tahay difaaca Qarannimada JSL iyo xuduudaha lama taabtanka ah.

 

Waxa sidan lagu sheegay shirkii golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayay madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)..

 

Haddaba afar qodob uu xudun u ahaa War-murtiyeedkii ay soo saareen golaha wasiiradu waxa warbaahinta u akhriyay wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle, waxaanu u dhigna sidan.

 

Qodobka 1-aad Dowladda Soomaaliya waxa ay si buuxda uga leexatay jidkii nabadda iyo wada-hadalka.

 

Dawladda Soomaaliya waxa ay si cad uga baxday dariiqii nabad-ku-wada-noolaanshaha iyo wada-hadalka, iyada oo imaatinkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood uu yahay xad-gudub badheedh ah oo ka dhan ah madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Tallaabadaasi waxa ay ahayd daandaansi siyaasadeed iyo hurin colaadeed, taas oo si toos ah khatar u gelinaysa xasilloonida gobolka Geeska Afrika, iyada oo lagu tuntay xeerarka caalamiga ah iyo xorriyadda muwaadiniinta Somaliland oo si sharci-darro ah loo afduubay.

 

Qodobka 2-aad In aanay jirin wax wada-hadal ah oo ku saabsan siideynta Maxaabiista.

 

Xukuumadda Somaliland waxa ay si cad u sheegaysaa in aanay jirin wax wada-hadal ah oo Dowladda Soomaaliya kala yeelatay arrimaha la xidhiidha siideynta maxaabiista.

 

Maxaabiista Raysal-wasaaraha Soomaaliya geeyay magaalada Muqdisho ma aha maxaabiis dagaal (

     
Loading...