Maxaa laga yiri guurka

Saturday June 07, 2025 - 16:14:55
hadhwanaagnews
Sidoo kale waxaa labadaas oraahoodba soo dhaweeynaayo ...



Soomaalidu waxeey tiraahdaa "waxa kaliya ee la sameeyo hadana aanan lagu qasaarin guur ayaa ka jiro”. Malaha arintaani waa run, waxaadna moodaa ineey xiriir la leedahay oraahdii uu yiri faylasuufkii weeynaa ee Sokrates taas oo aheeyd "Noloshaada 1 mar guurso, hadii aad hesho haween wanaagsan, waxaad noqoneeysaa mid farxad badan; se hadii ay xaaskaadu noqoto mid qalafsan, waxaad noqoneeysaa Faylasuuf”.

Sidoo kale waxaa labadaas oraahoodba soo dhaweeynaayo mid uu yiri Soren kierkegaard oo aheeyd "guurso waad ka shaleeyn doontaa, ha guursan iyadana waad ka shaleeyn doontaa”, oo hadii aad guursato, haweeneydiina kugu xumaato waxaad ka shaleeyn doontaa guurkii oo kaa xumaaday, hadii aadan guursanina waxaad ka shaleeyn doontaa inaadan wali guursanin.

Waxeey kaloo yiraahdaan jaceeylku waa indho-la’aan se guurku indha ayuu kala furaa.

Waxaa jiro wadaad Turkiga oo caan ku noqday oraah afkiisa kasoo fakatay isagoo guurka ka hadlaayo "evlenirken bir kere evet diyorsun dünyan karariyor…..hayatin değişiyor”, "Kolkii aad guursaneeyso hal mar ayaa haa dhaheeysaa, kolkaas ayuu aduunkii oo dhan kugu madoowbaanaa, " waxa uu rabay inuu dhaho noloshaada ayaa is-badaleeyso, se afkii ayaa kasoo dafay aduunka ayaa gud-cur kugu noqonaayo.

Malaha waa halka ay Soomaalidu ka tiraahdo; uurkiisa wixii ku jiray, ayaa afkiisii soo dafay!.

Sidoo kale, waxaa jirto oraah kale oo caan ah oo guurka laga yiri; guurku waa sida shaah sokor la’aan ah. Caafimaadka waa u wanaagsan yahay, se macaan malahan.

Hadaba guurku waa wajiyo badan yahay, waxa laga yirina xisaab malahan, se waxaad moodaa in uu yahay safar ay ka wada baqayaan labada qofood ee nolosha ku midoobaayo.

Ciid Wanaagsan gacaltooyo.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...