Maayirka Berbera: "Waa In La Daboolaa Baahida Biyaha Berbera, Mustaqbalkana Laga Fikiraa"

Tuesday August 04, 2026 - 14:39:18
hadhwanaagnews
"Baahida Biyaha Berbera waa in aynu daboolno, ta mustaqbalkana ka fikirno."




Maayirka Magaalada Berbera, Mudane Maxamed Ibraahim Ismaaciil (Dable), ayaa maanta kormeer ku tagay ceelasha biyaha ee magaalada Berbera, halkaas oo uu ugu kuurgalay xaaladda ilaha biyaha iyo adeegyada ay bulshada ka helaan.

 

Maayirka ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay sidii loo dabooli lahaa baahida biyaha ee shacabka Berbera, isla markaana qorshe loo dejin lahaa sugidda biyaha mustaqbalka, maadaama magaalada ay si joogto ah u sii korayso.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Baahida Biyaha Berbera waa in aynu daboolno, ta mustaqbalkana ka fikirno.”

 

Mudane Maxamed Ibraahim Ismaaciil ayaa xusay in maamulka degmada ay masuuliyad ka saaran tahay sidii bulshada Berbera u heli lahayd biyo nadiif ah oo ku filan, isaga oo ugu baaqay masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha Berbera inay si degdeg ah wax uga qabtaan caqabad kasta oo hortaagan adeegga biyaha.

 

Maayirka ayaa sidoo kale sheegay in maamulka degmada iyo xukuumadduba ay iska kaashanayaan qorshayaal lagu ballaadhinayo adeegyada biyaha, si loo daboolo baahida sii kordhaysa ee magaalada Berbera loona xaqiijiyo helitaanka biyo waara oo bulshada u adeega mustaqbalka.

     
Loading...