Wax VAPE layidhaahdo ayaa jirta oo la Jaajar
"Waxaa jira guryo Habeenkii oo kaliya la furo oo aan maalintii la furin oo Rag kaliyi galaan iyo Qaar ay Rag iyo Dumar galaan, Qaar Badeecaddaha lagu cabo,
Waxaa jira guryo VIP ah oo la ilaaliyo oo Liisan iyo sharci loo samaytay Xumaanna lagu wado kuwaasi oo dhalinyaradda Balwaddaha lagu baro,
Wax VAPE layidhaahdo ayaa jirta oo la Jaajar gareeyo oo jeebaddaha lagu qaato waxaa kale oo jira wax Hot la yidhaahdo oo isna sidii buuriga loo isticmaalo,
Dhalinyaraddi Aqoonyahanka ahaa iyo kuwa guryaha dhisa ayaa isticmaala oo waxay leeyihiinba markaad ku yara tuurto ayaad shaqaynaysaa,
Waxaa jira Xerooyinka Caannaha Geella oo qaab ganacsi loo dhigay oo iyaga Xumaan iyo macaasi baddan lagu waddo”.