DEG DEG Somaliland iyo Itoobiya oo Ka Wada-hadlay Horumarinta Iskaashiga iyo Amniga labada Dal

Tuesday September 10, 2024 - 15:03:30
Hadhwanaagtv
Sidoo kale, waxa ay ka wada hadleen Wasiirka iyo Safiirku..


Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha S/land Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan la qaatay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya u soo magcawday Jamhuuriyadda Somalilad, Ambassador Teshome Shunde Hamito, kulankan oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee magaalada Hargeysa.


 

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha S/land Maxamed Kaahin Axmed ayaa warbixin ka siiyey Safiirka Xaaladda guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaa kale oo uu warbixin ka siiyey taariikhda faca wayn ee Somaliland leedahay.


 

Sidoo kale, waxa ay ka wada hadleen Wasiirka iyo Safiirku arrimaha amniga geeska Afrika, iskaashiga amniga ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, in la xoojiyo xidhiidhka nabadgelyada ee labada Dowladood iyo guud ahaan ba in la sii adkeeyo xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dowladda Federaalka Itoobiya.


 

Safiirka ayaa dhiniciisa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha S/land uga mahad-naqay soo dhowaynta uu u sameeyey. Kulankan waxaa Wasiirka ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Horuumarinta Caafimaad Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha S/land Maxamed Yusuuf Ismaaciil.

     
Loading...