Dalalka Beesha Caalamku Ka Yidhaadeen Horumarka Laga Sameeyey Qabsoomida Doorashooyinka Somaliland

Sunday September 15, 2024 - 21:38:16
Dalalka Beesha Caalamku Ka Yidhaadeen Horumarka Laga Sameeyey Qabsoomida Doorashooyinka Somaliland



Saaxiibada caalamiga ah ee Somaliland oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Denmark iyo Sweden, ayaa waxaa ay boggaadiyeen horumarka taarikhiga ah ee laga gaadhay Somaliland ee ku aaddan qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah.

Doorashada Somaliland oo lagu wado inay qabsoonto 13ka November, ayaa loo arkaa inay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca adkaynta dowladnimada dimuqraadiga ah ee Somaliland.

Saaxiibada caalamka, ayaa waxay xaqiijiyeen inay ka go’an tahay inay Somaliland ka taageeraan sidii ay doorashadu u noqon lahayd mid daah-furan, loo dhan yahay, oo ka tarjumaysa rabitaanka shacabka.

 

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen saaxiibada Somaliland ee Beesha Caalamka, waxay ku caddeeyeen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo qiyamka lagama maarmaanka u ah dimuquraadiyadda horumarsan – gaar ahaan xorriyadda hadalka, xorriyatul qawlka, iyo u hoggaansanaanta sharciga.

Iyagoo ugu baaqaya madaxda Somaliland inay ixtiraamaan mabaadi’daas, Beesha Caalamku waxay ku nuuxnuuxsatay in ilaalinta xuquuqaha dimuquraadiyadeed ay muhiim u tahay kobcinta bulsho loo dhan yahay oo dhammaan codadka la maqlo.

Waxay sheegeen in ixtiraamka xorriyaadkani aanu ahayn oo kaliya tiirka dimuquraadiyadda balse ay sidoo kale fure u tahay horumarinta nabadda iyo xasiloonida marka ay Somaliland ku sii socoto marxaladan xasaasiga ah.

Saaxiibada caalamiga ah, ayaa ku nuux-nuux saday in indhaha adduunka oo dhami ay isha ku hayaan in Somaliland ay ka qabsoonto doorasho heerkii ugu sarraysay ee daacadnimada iyo xaqa ah.

Doorashada, ayay saaxiibada caalamiga ahi sheegeen inay fursad u tahay xoojinta hay’adaha dimoqraadiga ah ee dalka gudihiisa.

Bayaanka, ayaa ugu dambayn lagu sheegay in saaxiibada caalamku ay weli rajo ka qabaan geeddi-socodka, waxayna rajeynayaan inay sii socdaan horumarka.



     
Loading...