Xal miyaa laga gaaray xiisaddii garoonka Bosaso ka dib tabashadii ciimada PSF ee Puntland?

Tuesday September 17, 2024 - 08:24:43
hadhwanaagtv
Sidoo kale waxaa garoonka tagin duulimaadyo diyaaradeed o



Dhawaan ayey ahayd markii warqad ay soo saareen ciidamada gaarka ah ee Puntland ee PSF, kuwaas oo sheegay "in laga hor istaagay inay isticmaalaan garoonka".

 

Ciidamada ayaa warqadooda ku sheegay inay qaadayaan tallaabooyin haddii sida ay sheegeen sii socoto inaan loo ogolaan isiticmaalka garoonka.

 

"Garoonka diyaaradaha Boosaaso ma ahaan doono goob cid gaar ah u xiran oo PSF laga hortaagan yahay. In ay garoon ahaan u isticmaalaan shacabku haka fogaadaan ilaa garoonku noqonayo meel loo siman yahay” ayaa lagu yiri qoraalka PSF.

 

Digniinta ciidamada ka dib waxaa hoos u dhacay howlihii caadiga ahaa ee ka socday garoonka ee duulimaadyada.

 

Sidoo kale waxaa garoonka tagin duulimaadyo diyaaradeed oo si toddobaadle ah u tagi jiray garoonka kuwaas oo ay ka mid yihiin shirkadaha diyaaradaha ee Ethopian Airline iyo shirkado laga leehay Soomaaliya.

 

Garoonka diyaaradaha ee Bosaaso ayaa ka mid ah garoomada ugu waaweyn ee Soomaaliya kaas oo muhim dhoofka badeecadaha kargooga ah.

 

Waa sidee xaaladda hada ee garoonka?

 

Sida uu BBC-da u sheegay wasiirka duulista hawada iyo garoomada ee Puntland Cabdillaahi Bille Nuur, garoonka ayaa maanta shaqooyinkisu si caadiya ku socdeen ka dib maalmo hakad ku yimid.

 

"Garoonka Bosasao waa garoon amni ah waa shaqaynayaa amni ayaa ka jira” ayuu yiri wasiir Cabdillaahi.

 

Wuxuu sheegay in labo duulimaad oo maalinta Axadda imaan jiray garoonka aysan shalay imaan sababo uu ku sheegay khalkhal iyo wixii laga baahiyey garoonka oo saameeyey.

 

Wasiir Cabdillaahi ayaa intaa ku daray in dhacdooyinkaas ka dib ay dhankooda warqado ay u direen shirkadaha diyaaradaha ee isticmaala garoonka kuna wargeliyeen in garoonku amni yahay taasi ay keentay buu yiri in duulimaadyadii maanta si caadiga uga soo dagaan garoonka.

 

Mar BBC-du waydiisay cida diyaaraha siisay wargalinta inay ka baaqdaan garoonka ayuu sheegay in aysan wasaaradda duulista hawada iyo garoomada Puntland kaliya ay maqleen in diyaaradaahii baaqdeen aysana jirin cid ay ku eedeynayaan.

 

Xal ma loo helay tabashadii ciidamada PSF

 

Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland Cabdillaahi Bille Nuur ayaa BBC-da u sheegay inay jirin cid loo diiday isticmaalka garoonka Boosaaso ciidan iyo rayid toona

 

"Wax ka jiraa ma jiran warkaas cid la celiyey iyo cid laga hor istaagay midna ma jirto” ayuu BBC-da u sheegay wasiir Cabdillaahi.

 

Wasiirka ay BBC-du waydiisay in xal loo helay tabashadii ciidamada iyo warqadii ay soo saareen ayuu sheegay " Waa socdaa xalkii, annaga haddaan reer Puntland nahay waxayaga hoos ayaan u dhammaysanaa xalkiina hadda waa socdaa waana la gaarayaa”

 

Wasiirka duullista hawada iyo garoomada Puntland Cabdillaahi Bille Nuur, wuxuu BBC-da u sheegay in garoonka Boosaaso uu yahay garoonka labaad ee garabka u ah garoonka Muqdisho.

 

"Diyaaraduhu markay soo galaan Badweynta Hindiya waa garoonka ay la soo xiriiraan, runtii wadashaqayn fiican baa ka dhaxaysa garoonka Muqdisho iyo Bosaso, qalab weyn ayaana ku rakiban” ayuu BBC-da u sheegay wasiir Cabdillaahi.

 

Shixnadaha ayaa ah shaqada ugu badan ee garoonka kaas oo ganacsatadu si xowli ah u adeegsadaan.

 

Garoonka Boosaaso ayaa sidoo kale ku yaalla goob istaraatiiji ah marka la eego halka uu ka dhisan yahay garoonku.

 

Dhanka PSF, wali kama aysan hadlin in xal u socda iyaga iyo dowlad goboleedka Puntland, sidoo kale ma jiro wax carqalad ah oo ay ka gaysteen garoonka tan iyo markii uu dib u bilowday duulimaadku.

 

Garoonka diyaaraha ee Boosaaso ayaa ah mid caalami ah kaas oo mumiimad u leh duulimaadka Soomaaliya sida uu dhawaan sheegay maareeyaha hay’adda duulista rayidka ee Soomaaliya Axmed Macallin oo la hadlay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

 

Garoonka Boosaaso ayaa sidan oo kale wajahay xaaladdo adag ka dib markii isku dhacyo ciidan ay ka dhaceen sanadkii 2022-kii markaas oo la filayey inay ka degto garoonka guddomiye xigeenka kowaad ee Barlamaanka Soomaaliya Sacdiyo Salaad.

     
Loading...