Natiijooyin hordhac ah ayaa ka soo baxaya goobaha lagu tirinayo codadkii doorashooyinka Somaliland.
Xogaha hordhaca ahi waxay sheegayaan in codadka doorashada madaxtooyada ee ilaa hada lagu tiriyey gobolada Togdheer, Awdal Iyo Sanaag uu si weyn ugu horeeyo xisbiga Waddani iyo musharaxooda Cabdiraxmaan Cirro.
Gobolka Saaxil ilaa hadda wararka ka soo baxayaa ma sugna, tirinta codadka ayaana si habsami ah uga socota halka deegaanada gobolka Sool ee laga codeeyey uu si weyn ugu horeeya xisbiga Waddani.
Dhinaca kale magaalada Hargeysa ayaa ku duntay xisbiga Kulmiye, ilaa hada codadka la tiriyey waxa ka soo baxaya natiijooyin aanu filayn musharaxa Kulmiye, codadkii uu filayey ayaana aad uga hooseeya intii uu qorshaystay.
Sidoo kale doorashada xisbiyada ayey ilaa hada si adag ugu tartamayaan Kulmiye, Waddani, Kaah, Horseed iyo Hilaac, natiijooyinka hordhaca ah ayaana sheegaya inay suuragal tahay in xisbiga Kulmiye salaanka ka siibto, halka ay boosaska sare ku dagaalami doonaan Waddani, Hilaac, Horseedi Iyo Kaah.
Guud ahaan Somaliland doorashadu si nabdoon ayey uga soo dhamaatay, waxaana la dhawrayaa natiijooyinka iska soo daba dhacaya ee ka soo baxaya goobihii codbixinta, inta aan la gaadhin wakhtiga komishanku ku dhawaaqayo natiijada hordhaca ah ayaana la filayaa in xisbiga/urur waliba uu natiijadiisa heli doono.