"Socdaalkii Madaxweynaha Somaliland Wuxuu soo Afjaray Beeno Badan oo Faafay.."

Monday September 16, 2024 - 09:51:30
hadhwanaagnews
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in xisbiga KULMIYE



Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in safarkii madaxweynaha Somaliland uu ku soo marayay goboladda dalku uu soo af-jaray beeno badan oo hore u faafay.

 

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu sidaasi ka sheegay munaasibad Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo uu casho sharaf ugu sameeyey Guddoomiyayaasha Gobolada dalka iyo Xisbiga KULMIYE ee ka soo qeyb galey bandhiga barnaamij siyaasadeedka xisbiga 2024-2029.

 

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in xisbiga KULMIYE oo hore uga soo qayb galay saddex doorasho oo madaxtooyo uu haddana isu diyaarinayo doorashadii afraad ee madaxtooyo, taas oo murashaxiinta xisbiyada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ku tartami doonaan doorashada madaxtooyada ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto 13-ka November 2024.

 

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu tilmaamay in xisbiga KULMIYE uu yahay xisbi guun ah, isla markaana hoggaanka iyo xubnaha xisbigu ay yihiin dad waayo aragnimo badan leh, kuwaasi oo ku astaysan hufnaan iyo aqoon, waxaanu yidhi "KULMIYE waa xisbi guun ah oo ka soo qayb galay saddex doorasho madaxtooyo oo hore, madaxtooyadii afraadna ay ku soo socoto, dad badan oo waayo arag ah oo karti , hufnaan iyo waayo-aragnimo leh oo badan ayaa xisbiga KULMIYE ku jira, haday gabdho tahay , hadday dhalinyaro tahay, hadday tahay aqoonyahan iyo hadday tahay cidda hoggaaminaysa ee murashaxiinta madaxtinimada dalka iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo xisbiga meel fog kala soo jaanqaaday. Is dhigan mayno, waxaynu ku khasbanahay in aynu si adag u shaqayno, waxaynu ka soo qaadaynaa in doorashadu ay adagtahay.

 

Muuqaalka shirkii aanu 29-ka maamlood ku soconay ee aanu madaxweynaha la soconay waxa uu keenay muuqaal aad iyo aad u qiimo badan, oo wax badan oo ay dadku ku hadlayeen oo been ah oo hadallo la iska yidhi ah iyo dad caadaystay hadalo aan qaranka u qalmini ay lahaayeen ama ay Tiktoka ku sii daynayeen. Safarkaasi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee gobolada dalku wuxuu soo afjaray beeno badan oo faafay

 

Wasiir Saleebaan Cali Koore, dhinaca kale waxa uu haddalo dardaaran iyo dhiiri gelin ah u jeediyay guddoomiyayaashas goboladda dalka iyo guddoomiyayaasha xisbiga KULMIYE ee goboladda, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Waxaa sharaf inoo ah munaasibadan uu isugu keen yeedhay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Maxamed Kaahi Axmed, taas oo ujeedadeedu tahay dardar gelinta xisbiga KULMIYE oo u diyaar garoobaya doorashada madaxtinimada dalka sidii ay mar saddexaad u hanan lahaayeen kursiga Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee dalka laga hoggaamiyo.”

 

Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa kale oo uu intaasi ku daray "Waxaan is leeyahay inteena badan ee halkan fadhidaa xikmadu waxa weeye amba faydniye waxba hay farin, laakiin waxaynu uga dhawaanaynaa in aynu si wada-jir ah u garano waajibaadka inoo yaala, maxaa cid walba laga rabaa, maxaa laga rabaa xukuumadda, maxaa laga rabaa heer gobol ee xisbiga KULMIYE, maxaa laga rabaa taageerayaasha xisbiga.

 

Ujeedadu waxa weeye inaga oo xogogaal ah dhammaanteen jaranjarada maamul iyo qaabka aynu doorashada u galayno in aynu inaga oo xogogaal ah aynu sidaa doorashada ku galno. Waxaanan qabaa in qof kasta oo muwaadin ah oo ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE xogogaal dhab ah ayuu ka yahay halka aynu ka nimid iyo halka aynu ku socono iyo meesha aynu maanta rabno in aynu gaadhno.”

 

Wasiirku waxa uu u soo jeediyay masuuliyiintii kulankaasi ka qayb galay in ujeedada ugu wayn ee kulankani ay daaran tahay sidii loo dhaqaajin lahaa qorshayaasha iyo taayirada xisbiga KULMIYE ku dhaqaaqayo waxaanu yidhi "Waxay taladu tahay in xisbiga KULMIYE laga bilaabo maanta uu qorshe dhab ah la yimaado oo ah sida iyo qaabka loo shaqaynayo, heer qaran, heer gobol, heer degmo iyo heer tuulo intaba in xisbigu la yimaado qorshe, dhammaan taageerayaasha iyo dadweynaha reer Somaliland ba ay qorshahaas ku hawl-galaan isla markaana sidii taayirkaa loo dhaqaajin lahaana aynu dhammaanteen hareeraha wada qabano.”

 

 

     
Loading...