Maxaa ka jira in Madaxweynaha Soomaaliya uu diiday inuu la kulmo Ra'iisul wasaaraha Itoobiya.

Sunday September 08, 2024 - 08:30:19
hadhawanaag
Labada wafdi ee kala mateleyey Soomaaliya iyo Itoobiya



Magaalada Beijing ee caasimada dalka Shiinaha waxaa ku soo dhammaaday shirka Shiinaha iyo Afrika kaas oo ay ka qayb galeen inta badan hoggaamiyaasha wadamada Qaarada Afrika.

 

Madaxda shirka ka qayb gashay waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyo sidoo kale Raysal wasaaraha Itoobiya Abiya Ahmed oo labadooda dal xiisaddi ka dhex taagan tahay.

 

Labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xiriikoodu xumaaday ka dib markii Addis Ababa ay heshiis Is afgarad ah la gashay Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Soomaliland, kaas oo ay si weyn ugu hortimid dowladda Soomaaliya.

 

Saacadihii la soo dhaafay waxaa soo baxay warar sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu diiday kulan is arag ah oo la sheegay in dowlad aan magaceeda la sheegin isku dayday inay la kulansiiso Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

 

Sarkaal sare oo ka tirsan waftiga madaxweynaha Soomaaliya ee Shiinaha ayaa BBC-da u xaqiijiyey inuu jiro warka la xiriira in la kulan siiso madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, basle dhanka Soomaaliya aysan ka suuragelin oo ay diideen.

 

"Waa jiraa warkaas" ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray in "qolyihii doonayey inay kulansiiyaan uu suurtoobi waayey isku daygooda".

 

Sarkaalka ayaa ka gaabsaday inuu sheego dowladda isku dayday inay abaabusho kulan dhexmara labada hoggaamiye.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal Wasaare Abiyey Axmed ayaan is arag tan iyo bilowgii sanadkan ka dib markii Muqdisho iyo Addis Ababa uu xiriirkoodu xumaaday.

 

Dhawaan ayey ahayd markii wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo waraysi gaara siiyey BBC-Focus on Africa uu sheegay in Jabuuti ay doonayso inay labada dhinac hoos u dhigaan xiisadda ka dhex taagan.

 

Hadalkii uu BBC-da u sheegay ka hor intii madaxda Afrika aysan u safrin Beijing ayuu ku yiri "Waxa aan u safri doonnaa Beijin maamlo gudahood halkaas oo aan haysano fursad ah in dhammaan hoggaamiyaasha aan kula kulmi doonno halkaas . Waxa ay ila tahay waa fursad wanaagsan in Madaxweyne Geelle uu kula hadlo labada hoggaamiye ee Itoobiya iyo Soomaaliya , wuxuuna isku dayi doona in uu abaabulo Kulan haddii suurtagal ay tahay in ay iskugu yimaadaan IGAD si looga wadahadlo dhibaatada habka ugu wanaagsan ee aan awoodno.” ayuu BBC-da u sheegay Maxamuud Cali Yuusuf wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

 

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yeeshay wareegyo wadahadallo ah oo ka dhacay dalka Turkiga kuwaas oo dowladda Turkigu dhexdhexaadiye ka ahayd kana dhacay Ankara.

 

Labada wafdi ee kala mateleyey Soomaaliya iyo Itoobiya ayaan labadaas wareeg ee wadahadallada aan is hor fariisan marka laga reebo u kala warqaadid Turkiga ah. Wahadalladaas ayaan dhalin wax natiijo ah.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa madaxdeedu ku celceliyeen inaysan Itoobiya la hadli doonin haddii aysan ka laaban is afgaradkii ay la gashay bilowga bishii Janaayo ee sanadkan Somaliland, aysanna aqoonsan madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

 

Xiisadda ayaa sii korortay markii Masar oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyo Itoobiya ay kor u qaaday xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, ayna labada dal wada saxiixdeen hesiis iskaashi amni.

 

Halkee sartu ka quruntay

 

Kowdii Bishii Janaayo ee sanadkan ayey ahayd markii magaalada Addis Ababa ay heshiis is afgarad ah ku kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland kaas oo dhigayey in Somaliland heli doonto aqoonsi halka Itoobiya ay heleyso "marin biyood laga kirayeeyo" sida ay Somaliland sheegtay.

 

Heshiiska is afgaradka ah ayaa la doonayey in muddo gaaban ka dib loo beddelo heshiis rasmi ah laakiin wali ma suuragelin.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiskaas is afgaradka ah ku tilmaamtay mid xad gudub ku ah madaxbaannida dhuleed iyo qarannimda Soomaaliya.

 

Waxayna Muqdisho cadaadis diblomasiyadeed saartay Itoobiya, iyadoo fagaarayaal badan oo caalami ah ka ashkaysay Itoobiya.

 

Maalmo ka hor ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyada Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland sheegay isagoo ka hadlayey safar uu ku marayo gobolada Somaliland in heshiiskaas is afgradka ah uu dhaqan gali doono.

 

Labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si la mid ah shirkii Shiinaha iyo Afrika waxay hore uga qayb galeen shirar caalami ah ayagoo aan fool-ka-fool u kulmin.

     
Loading...