DEG DEG Wareegii 3-aad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Ethiopia oo baaqday

Tuesday September 17, 2024 - 10:01:24
Hadhwanaag
Sidoo kale, Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa hadallo xanaf leh ...



Waxaa baaqday wareegii 3-aad ee shirka lagu dhex-dhexaadinayo dalalka Ethiopia iyo Soomaaliya, kaasi oo la filayay in berri uu ka furmo magaalada Ankara.


 

Si rasmi ah loma ogga, sababta shirkaasi oo Turkigu dhex-dhexaadinayo uu u baaqday, laakiin fallanqeeyayaasha ayaa sheegaya in iskaashiga militari ee Soomaaliya iyo Masar oo Addis Ababa ay ka xanaaqday uu labada dhinac sii kala fogeeyay.


 

Sidoo kale, Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa hadallo xanaf leh hawada isku marinayay maalmahan.


 

Wasiirka Arrimaha dibeeda Somalia, Axmed Fiqi ayaa dhammaadkii toddobaadkii hore ka sheegay Muqdisho in Soomaaliya ay ka fikirayso inay xiriir la sameyso ama ay taageerto jabhadaha dagaalka kula jira dowladda Ethiopia, hadalkaasi oo si weyn ay u cambaareysay dowladda Ethiopia.


 

Dowladda Ethiopia ayaa iyadu wali u muuqata inay ku adkeysanayso heshiiskii is-afgarad ee ay la gashay Somaliland, iyadoo sidoo kale ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ay dhaq-dhaqaayo ka wadaan.

     
Loading...