Dawlada Soomaaliya Oo Muuse Biixi Ku Taageeraysa Inuu Ku Soo Laabto Tallada Somaliland

Friday September 13, 2024 - 22:56:24
Dawlada Soomaaliya Oo Muuse Biixi Ku Taageeraysa Inuu Ku Soo Laabto Tallada Somaliland
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi oo Maanta ku kulmaya ...


Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dedaalka ugu badan ku bixinaysa sidii uu doorashada Somaliland ugu guulaysan lahaa Muuse Biixi.

Saraakiil ka tirsan hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee Nisa ayaa xaqiijiyey in dawlada Soomaaliya ay si toos ah iyo si dadbanba uga shaqaynayso sidii uu tallada Somaliland ugu soo noqon lahaa Muuse Biixi.fursad ay u helaan burburinta Somaliland iyo kala irdhaynta shacabka ayey u arkaan inay ka helayaan in Muuse Biixi markale qabto madaxtinimada Somaliland.

Sida ay sheegayaan saraakiisha sirdoon, dawlada Soomaaliya ayaa Muuse Biixi u aragta qofka ugu mudan ee kala shaqayn kara furfurka iyo isku dirka beelaha Somaliland, hubaynta jabhado loo adeegsado burburinta dalka iyo kicinta dareenka shacabka maadaama oo aqlabiyada bulshadu aanay ku qanacsanayn hogaamintiisa.

Musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayey sidoo kale dawlada Soomaaliya kula jirtaa dagaal siyaasadeed toos ah iyaga oo u arka hogaamiye soo afjari kara dariiq kasta oo ay doonayaan inay u maraan burburinta Somaliland.

Shacabka Somaliland oo leh awooda cida ay ku aaminayaan talladooda ayaa kala dooranaya labadan musharax, waxaana la dhawri doonaa midka ay ku aaminaan talladooda.

     
Loading...