"Dagaal Ka dhaca Geeska Afrika wax baajin Karta Soomaaliya oo Somaliland Aqoonsata" İbrahim Hawd

Sunday September 15, 2024 - 15:10:50
hadhwanaag
Maraykanka oo aan doonayn in uu Geeska Afrika toos u gu eedoobo
May be an image of map and text

Maraykan, Turki, Israa'iil iyo Masar. Dhanka kale Shiine, Ruush, Itoobbiya iyo Afrika. Geeska Afrika waxaa ka socda abaabul dagaal oo la isu dirtay (proxy war). Haddii aan dhowaan heshiis la gaadhin waxaa bilaaban doona dagaal foolxun oo dadyowga Geeska Afrika xaabo loo ga dhiganayo. Wax uu noqonayaa dagaal fowdo ah oo boqol waji leh, oo socon doona muddo dheer, waxaana ku le'anaya malaayiin foqoro madmadow.

Arrinta xaqiiqadeedu waa sidan. Awooddii Maraykanka iyo guud ahaan reer Galbeedka ee dunida waxaa ku yimid dibudhac weyn, waayo quwado kale ayaa soo baxay, dagaallo badanina waa ay ku furmeen. Marin badeedyadii istiraatijiga ahaa, gobolladii khayraadku yaallay iyo suuqii ganacsiga dunida intaba reer Galbeed waa la gu cidhiidhyay. Sidaas oo ay tahay ma jirto sabab ay quwadahaasi dhexdooda u galaan dagaal toos ah, waayo waxa la is ku haystaa ma aha wax ay iyagu lee yihiin ee waa xaqii ummadaha kale oo ay ka la boobayaan.

Maraykanka oo aan doonayn in uu Geeska Afrika toos u gu eedoobo, sidii uu meelo badan iyo marar badan dunida u gu eedoobay, wax uu diranayaa dawlado kale, gaar ahaan Turkiga iyo Masar iyo maamulka Hawiyaha Xamar. Dagaalkiisuna waa laba waji oo ah in uu Ruushka iyo Shiinaha ka ilaaliyo amaba ka saaro Geeska Afrika, iyo in uu awooddii Masiixiga Xabashida ku soo celiyo xukunka Itoobbiya. Turkiga oo la moodo in ay is khilaafsan yihiin sidaa ma aha ee Erdogan oo Islaamiste ah uun bay is ku yara dhaceen. Turkigu waa quwadda kowaad ee Maraykanka ku la jirta gaashaanbuurta Nato, sidaa darteed meesha uu maraba waa dantii Maraykanka oo martay. Masar oo aan lahayn itaal dhaqaale oo ay ku gasho loollan dhulkeeda ka baxsan cidda dabada ka waddaa waa Maraykan. Waana been ee Masar imaatinkeeda Soomaaliya waxba ka beddeli maayo biyaxidheenka Itoobbiya oo warkiisu dhammaaday. Keliya xukunka Oromada ayaa dhanka Soomaslida la ga khalkhalinayaa si loo daciifiyo oo Masiixigu u soo noqdaan.

Ruushku wax uu Geeska ku furi doonaa dagaallo jabhadeed oo xulafada Maraykanka fadhi u diida, Itoobbiya iyo gudaha Soomaaliya labadaba. Shiinaha oo danta uu Geeska ka lee yahay aad u weyn tahay isagu ma keeni doono awood ciidan iyo hub midnaba, wax uu se ku dagaallamayaa dhaqaale iyo diblomaasiyad, taas oo Afrika badankeedu aad u soo dhowayso. Halkaas bay isaga iyo Ruushku ka xidhiidhsan yihiin.

Dadyowga Geeska Afrika ku dhaqan ee la gu dul loollamayo iyaga oo ay quwadahaasi ka la kaxaysteen, oo u qaybsan qabiilooyin iyo qoomiyado, birta ayay is ka wada aslayaan, oo malaayiin baa ka dhimanaysa.
Intaa ka dib, juqraafiga siyaasadeed ee Geesku aad buu uga duwanaan doonaa sida uu maanta yahay. Wax ay u badan tahay in soomaalida iyo itoobbiyaanka labaduba dawlado badan u qaybsamaan, iyada oo Itoobbiya yeelatay bad.

Waxaas oo dhan waxaa baajin karta Soomaaliya oo aqoonsata Soomaalilaand.

Waxa qoray: Ibraahim-hawd.
     
Loading...