DEG DEG Somaliland Oo shaacisay in la dhamaystiray heshiiskii Itoobiya

Wednesday September 11, 2024 - 13:31:34
hadhwanaagtv
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kulamo kala duwan ku yeeshay dalka Turkiga,


Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in la dhamaystiray heshiiskii is af-garad ee ay wada galeen dalalka Itoobiya iyo Somaliland oo dhowaan si rasmi ah loo saxeexi doono. Sidaasi waxa sheegay Wasiirka arrimaha Dibada Somaliland Dr. Ciise Kayd.

Heshiiska is af-garad ee ay wada galeen dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhacay sanadkan 2024-ka bishiisii koowaad, balse xaalad siyaasadeed ka abuuray Geeska Afrika waxaana ka biyo diiday dawlada Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kulamo kala duwan ku yeeshay dalka Turkiga, balse labadii kulan ee ay yeesheen labada dal ayaa lagu kala kacay iyada oo aan wax natiijo ah aanay ka soo bixin labada kulan.


Wadanka Itoobiya ayaan ila hada ka noqonin heshiiska is af-garad ee ay la galeen dalka Somaliland, balse hadalkan hadda uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ayaa ku soo beegmaya xili aanay fadhiyin siyaasada Soomaaliya iyo Itoobiya oo khilaaf hor leh ka dhex abuuray labada dal.
     
Loading...