ONLF Oo Ka Falcelisay Hadal Ka Soo Yeedhay Taliyaha Militariga Itoobiya

Thursday September 12, 2024 - 20:25:46
Hadhwanaag
"Wax yaab ah ayay noqotay oo nagu cusub, in lugaha geedaha lagu marmaro…"



Ururka ONLF ayaa ka jawaabtay hadal la sheegay in uu ka soo yeedhay taliyaha militariga dalka Itoobiya Birhanu Jula.


Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in ay dowladda Itoobiya uga fadhiyaan in ay faahfaahin ka bixiso islamarkaana ay kala caddeyso hadalka taliyaha.


Afhayeenka ONLF oo BBC la hadlay ayaa sheegay in arrintan ay la yaab ku noqotay islamarkaana aan al aqbali karin.


Cabdulqaadir Xassan Hirmooge (Caddaani) ayaa farta ku fiiqay in ONLF ay hadalkaas u aragto daandaansi.


"Wax yaab ah ayay noqotay oo nagu cusub, in lugaha geedaha lagu marmaro oo xoogag Itoobiya ay col yihiin lagu tilmaamo inay naga dambeeyeen arrimahaas daandaansi ayaan u aragnaa"


Hadalka ONLF ayaa daba socday hadal la sheegay inuu dhawaan jeediyay taliyaha guud ee militariga dalka Itoobiya Birhanu Jula.


Codka la sheegay inuu yahay kan Birhanu oo dhowaan laga sii daayay mid ka mid ah warbaahinta gudaha Itoobiya, ayaa wuxuu ku sheegay in Masar ay tahay cadawga taariikhiga ah ee Itoobiya, islamarkana ay abuurtay jabhado ka dhan dowladda Itoobiya, ayna ka mid tahay ONLF. Balse dowladda Itoobiya iyo ciidamadaba ma aysan xaqiijin.


Afhayeenka ayaa dhankiisa sheegay in horey ay Itoobiya heshiis ula galeen islamarkaana ay nabadda qaateen taasina ay tahay siyasaddooda qeexan ee cad.


"Annaga waad ogeyd lix sano ka hor ayaan heshiis nabad-galyo qaadannay si nabad ah ayaan dhulkeena uga halgameynay, deegaanka ugu nabadsan ayuu dalkeenu ahaa wlina yahay nabad istaraatiji ah ayaanu qaadannay in halgankeennu uu nabad ku socdo dadkeenuna ay ka faa'iideystaan markaas ONLF aragtideeda siyaasigaha ma qariso oo way cadeysay inay jidkaa nabadda hayso," ayuu intaa ku daray.


Mr Caddaani ayaa carrabka ku adkeeyay in ONLF ay imika tahya xisbi siyaasi ah oo shaci ah islamarkaana aan waligood lagu eedeyn in ay shisheeye ka dambeeyaan.


"Xisbi siyaasi ah oo sharci ah ayaa nahay, xisbi siyaasi ah oo wadanka ka jiro weeye, xisbi siyaasi ah oo nabad qaatay weeye, ONLF cid madax-adeeg ku sheegto waa laga yaabaa inay jirto laakiin inay cid kale ku ladhan tahay ama ka dambeyso ama ku adeegato waligeed cadowgeeda iyo naasixeeda midna kama soo yeerin," ayuu yiri Mr Caddaani


Afhayeenka ayaa dhankiisa sheegay in horey ay Itoobiya heshiis ula galeen islamarkaana ay nabadda qaateen taasina ay tahay siyasaddooda qeexan ee cad.


"Annaga waad ogeyd lix sano ka hor ayaan heshiis nabad-galyo qaadannay si nabad ah ayaan dhulkeena uga halgameynay, deegaanka ugu nabadsan ayuu dalkeenu ahaa wlina yahay nabad istaraatiji ah ayaanu qaadannay in halgankeennu uu nabad ku socdo dadkeenuna ay ka faa'iideystaan markaas ONLF aragtideeda siyaasigaha ma qariso oo way cadeysay inay jidkaa nabadda hayso," ayuu intaa ku daray.


Mr Caddaani ayaa carrabka ku adkeeyay in ONLF ay imika tahya xisbi siyaasi ah oo shaci ah islamarkaana aan waligood lagu eedeyn in ay shisheeye ka dambeeyaan.


"Xisbi siyaasi ah oo sharci ah ayaa nahay, xisbi siyaasi ah oo wadanka ka jiro weeye, xisbi siyaasi ah oo nabad qaatay weeye, ONLF cid madax-adeeg ku sheegto waa laga yaabaa inay jirto laakiin inay cid kale ku ladhan tahay ama ka dambeyso ama ku adeegato waligeed cadowgeeda iyo naasixeeda midna kama soo yeerin," ayuu yiri Mr Caddaani.


Sanadkii 2018 ayay ahyad markii ay ONLF iyo dowladda Itoobiya heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Casmara ee xarunta dalka Ertreya.


Qodobka ugu weyn wuxuu ahaa xabbad joojin, taasoo ay ONLF dhankeeda ku dhawaaqday , Itoobiyana ay sidaa kaga saartay "Liiska ururrada argagixisada ah".


ONLF waxay mudo dheer ku jirtay halgan ay ku doonaysay in ay ku xoreyso deegaanada Soomaalida Itoobiya, marxalado kala duwan ayuu halgankii hubaysnaa ee ONLF soo maray.


Waxey dagaalo la galeen ciidamadii dalkaasi Ethiopia ee hoos tagayay maamuladii kala duwanaa ee soo xukumayay dalkaasi.


BBC

     
Loading...