Dawladda Jabuuti ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo baxay Madaxweynaha Kenya William

Monday February 17, 2025 - 12:46:58
hadhwanaagnews
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa sheegtay in hadalkaasi
May be an image of 2 people and text that says 'SAABTV ET 전째 전장 KON #TWET 6733 AWE DON የገለማት DAWLADDA JABUUTI AYAA JAWAAB ADAG KA BIXISAY HADAL KA soo BAXAY MADAXWEYNAHA KENYA WILLIAM RUTO OO TILMAAMAY IN AFRIKA AY FURSAD WEYN ISKA LUMISAY MARKII LA DOORAN WAAYEY RAILA ODINGA. SAAB t'


Dawladda Jabuuti ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo baxay Madaxweynaha Kenya William Ruto oo tilmaamay in Afrika ay fursad weyn iska lumisay markii la dooran waayey Raila Odinga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa sheegtay in hadalkaasi uu gef ku yahay 33-ka Madaxweyne ee u codeeyey Jabuuti, xaqna u lahaa inay Afrika u dooraan cid ka saari karta caqabadaha haysta, waxayna Jabuuti sheegtay in Madaxda Afrika ay iska dhego-mariyeen in Midawga Afrika uu noqdo madal u afduuban siyaasadaha gudaha Kenya.

Afrika waxay u qalantaa wax ka fiican Raila Odinga,” Sidaa waxa yidhi Ambassador Muuse Maxamed Cumar oo ka tirsan Wasaaradda Khaarajiga Jabuuti oo qoraal ku faafiyay bartiisa X.
     
Loading...