Dawlada Somaliland oo Jawaab Adag ka Bixisay Bayaanka ka Soo Baxay Dawlada Xamar

Saturday May 03, 2025 - 12:08:44
hadhwanaagnews
Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay w...



Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag u uga jawaabtay bayaankii ay soo saartay Dawladda taagta daran ee Soomaaliya 22kii Abriil 2025, ee sheegayay inay mamnuucday dukumentiyada safarka ee dalka Taiwan, isla markaana sheeganaya xuquuq aan sal lahayn oo ku saabsan hawada Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa meel ka dhac iyo gef weyn ku tilmaantay sheegashooyinka aan xaqiiqada ku dhisnayn ee ay caadaysatay dawladda taagta daran ee Soomaaliya, kuwaasi oo wax u dhimaya mabaadi’da guud ee wada noolaanshaha iyo xasilooniyada.

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana lagu yidhi warsaxaafadeedkaasi "Sheegashooyinka noocan ahi waa kuwo aan sal lahayn waxayna ka dhigan yihiin meel ka dhac toos ah oo ku wajahan mabaadi’da wada noolaanshaha nabdoon iyo xasilloonida gobolka. Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran madax bannaan oo leh awood buuxda oo ku saabsan hawadiisa iyo xuduudihiisa. Dawladda Soomaaliya ma laha sharci ama awood maamul oo ka jirta gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, bayaankeeduna wax saamayn ah kuma laha Jamhuuriyadda Somaliland.

Xidhiidhka laba geesoodka ah ee Somaliland, oo ay ku jiraan kuwa ay la leedahay Jamhuuriyadda Taiwan, waxay ku salaysan yihiin ixtiraam wada jir ah waxaana loo fuliyaa si waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamiga ah. Talaabo kasta oo la isku dayo in lagu carqaladeeyo ama lagu tilmaamo doorashada siyaasadda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland sifo kale waa wax aan la aqbali karin.

Wasaaraddu Arrimaha Dibedda waxay ku celinaysaa go’aanka aan leexleexadka lahayn ee Somaliland ee ku aaddan nabadda, iskaashiga, iyo ka-qaybgalka caalamiga ah ee wax dhiska, waxayna ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan madax-bannaanida iyo xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland.”

     
Loading...