Wax ka ogow baasaboorka cusub ee Itoobiya iyo waxa la gudboon dadka heysta kii hore

Saturday February 22, 2025 - 13:38:46
hadhwanaagnews
Waxa uu intaa ku daray in baasaboorka cusub oo bedelaya...



Itoobiya ayaa bilawday baasaboorkii ugu horreeyay ee elegtarooniga ah (E-passport), oo ay ku jiraan sawirro taariikh ah oo amaankiisuna sarreeyo, sida ay shaacisay hay'adda socdaalka iyo adeegga muwaadiniinta ee Itoobiya.

 

Madaxweynaha Itoobiya Taye Atske Selassie oo daah-furay baasaboorka cusub ayaa sheegay in baasaboorka uu leeyahay qalab elektaroonik ah oo ku xiran kaas oo xogta shaqsiga heysta, sida faraha iyo tilmaamaha kale, si ammaan ah u keydinaya.

 

Waxa uu intaa ku daray in baasaboorka cusub oo bedelaya kii hore ee ay Itoobiya adeegsan jirtay looga holleeyay ka hortagga musuqmaasuqa aqoonsiga, hagaajinta amniga xuduudaha, iyo dardargelinta hababka hubinta dadka socdaalaya.

 

Waxa ka cusub baasaboorka Itoobiya iyo waxa la gudboon dadka heysta kii hore

Baasaboorka cusub ee Itoobiya waxa uu bedelayaa baasaboorkii hore ee qadiimiga ah, kaas oo shaqeynayay labaatankii sano ee u dambeeyay. Waxa uu ka koobnaan doonaa afar nooc oo kala ah: mid dublumaasiyiinta, kan shaqaalaha dowladda, midka dadka caadiga ah iyo kan ajnebiga la siiyo.

 

Ka sokow baasaboorka, dukumeentiyada safarka sida waraaqaha safarka degdega ah, waraaqaha safarka hal mar ah iyo waraaqaha safarka qaxootiga iyo kaararka aqoonsiga ee muwaadiniinta Itoobiya ayaa sidoo kale si buuxda loogu beddelay elektarooniga.

 

Madaxa Hay'adda Socdaalka iyo adeegga muwaadiniinta Salamawit David ayaa sheegay in baasaboorkan dhammaantiis lagu sameeyay gudaha Itoobiya, iyadoo ay dowladda Itoobiya kala shaqeysay shirkad Jabaan laga leeyahay oo la yiraa TOPPAN Security,

 

Baasaboorka elektaroonigga ah ee dhawaan lagu dhawaaqay ayaa laga beddelay midka cas ee kan muwaadiniinta caadiga ah oo loo beddelay buluug.

 

Baasaboorka cusub waxaa lagu dhex muujiyay goobaha taariikhiga ah iyo kuwa dalxiiska ee Itoobiya oo ay ka mid yihiin biyo-xireenka muranka ka dhex dhaliyay Itoobiya iyo Masar, Daartii Abba Jifar, magaalada taariikhiga ee islaamka Soomaalida ku leh raadka ee Harar, iyo Matxafka Adawaa, iyo goobo kale.

 

Baasaboorkan cusub ayaa lagu sheegay in uu ka qurux badnaan doono kii hore.

 

Madaxweynaha Itoobiya Taye Atske Selassie oo ka hadlay furitaanka baasaboorka cusub ayaa sheegay in dalku yeeshay baasaboor la jaan qaadaya ilbaxnimada waqtiga, qiimo weynna u leh sharafta muwaadiniinta.

 

"Xaqiiqda ah in baasaboorka Itoobiya uu yahay mid sir ah oo kaliya maahan guul weyn oo la gaaray, balse waxay sidoo kale hagaajinaysaa is-waafajinta xiriirka ilbaxnimo ee naga dhexeeya dalalka kale," ayuu yiri.

 

"Baasaboorkeena elegtarooniga ah waxa uu dhanka kale kor u qaadayaa magaca wanaagsan ee dalkeena, waxaana uu muujin doonaa qiimaha aan u heyno muwaadiniinta, dhanka kale waxa uu kaalin muhiim ah ka qaadan doonaa ilaalinta amniga dalkeena."

 

Dadka heysta baasaboorkii hore ayaa waxay sii adeegsan karaan ilaa waqtiga uu ka dhacayo, iyaga oo ku qasbanaan doona markaas kadib inay dalbadaan baasaboorka cusub ee Itoobiya.

 

Qiimaha dadka uga baxaya baasaboorka cusub iyo waqtiga uu qaadanayo in la helo

 

Dowladda Itoobiya waxay sidoo kale shaacisay in la kordhiyay qiimaha lagu heli karo baasaboorka cusub, iyada oo sidoo kale waqtiga helista iyo soo-saarida baasaboorka na ay ka fududaan doonto siddii hore.

 

Baasaboorka oo uu horey qiimahiisu u ahaa $50 doolar, waxa uu hadda noqonayaa $200 oo doolar oo uu ugu kici doono qofka doonaya.

 

Haddii qofku u doonayo baasaboorka deg deg waxa uu ku qasbanaan doonaa in uu bixiyo ilaa $450 oo doolar.

 

Waa isla lacagta aad bixin doonto haddii uu kaa lumo baasaboorka, iyada oo laguugu soo saari doono labo maalin gudahood.

 

Muwaadiniinta Itoobiya ee baasaboorka ka dalbanaysa safaaradaha dibada ku yaal waxaa laga qaadi doonaa $200 oo doolar, iyada oo kuwa doonaya adeeg deg deg ah oo ka baxsan waqtiga caadiga ah ee shaqada laga qaadi doono $350 doolar.

 

Waxay se ku qaadan kartaa inay baasaboorka helaan muddo shan iyo toban maalin ah.

 

Sidoo kale, mudada uu shaqeyn karo baasaboorka oo horey u ahayd shan sano ayaa hadda wax laga bedelay iyada oo la gaarsiiyay toban sano, sida uu shaaciyay agaasimaha hay'adda socdaalka iyo adeegga muwaadiniinta ee Itoobiya. Baasaboorkan ayaa la siin doonaa muwaadiniinta da'doodu ay gaartay shan iyo labaatan ka sano, iyada oo muwaadiniinta ka yar da'daas la siin doono baasaboor shaqeynaya shan sano oo keliya.

     
Loading...