Ahmiyada Kowaad waa Isku Xidhka Wadooyinka Somaliland iyo Dalalka Dariska ah.." Wasiirka Jidadka

Monday February 17, 2025 - 17:00:37
hadhwanaagnews
Waxaanu sadaas ku sheegay Wareysi gaara oo uu siiyay Wargeyska Dawan.



Wasiirka wasaaradda gaadiidka horumarinta Jidadka Somaliland, Mudane Cismaan Ibraahim Nuur Af-gaab ayaa ka hadlay muhiimada ay xukuumadoodu siineyso isku-xidhka wadooyinka Somaliland iyo dalalka dariska.

 

Waxa kale oo uu ka hadlay tirikoobka gaadiidka dowladda iyo halka uu marayo, waxaanu intaas ku daray xakameynta shilalka gaadiidka iyo tallaabooyin wasaaraddu qaadeyso.

 

Geesta kale waxa uu sheegay in diwaangelintii gaadiidku meel gaba-gaba ah u mareyso, isla markaana ay diyaarinayaan in gaadhi kasta uu yeesho buug wasaaraddii lahaydna ay ku qoran tahay.

 

Waxaanu sadaas ku sheegay Wareysi gaara oo uu siiyay Wargeyska Dawan.

 

Waxaanu yidhi."Sida ciidanka nabadgelyada waddooyinku sheegeen bishi January waxa dhacay 620 Shil, oo dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeedba leh, taasina waxa ay caddeynaysa in shilal ku dhaw 10 ay dhacayeen, waana arrin argagaxeeda leh una baahan in laga jawaabo, dadaal ayaanu ka sameynayna arrintaasi sidii loo xakameynlahaa, berrigii hore gaadiidka, waddooyinka iyo dirawaliinta ayaa loo nisbeyn jiray inay sabab u ahaayeen shilalka dhaca, balse imika 90% waxa ay ku soo ururaysa dirawalka, gaadiidka guran soodejintooda oo la joojiya kaliya xalka ma noqonayso balse inta go’aamo intan ka ad-adag la gaadhayo in la yareyn karo”

 

Wasiirku waxa uu hoosta ka xariiqay in ay sameynayaan wacyigelin la xidhiidha shilalka gaadiidka ee maalinba maalinta ka danbeysa sii badanaysa.

 

Waxaanu yidhi."Arrinta mihiimka ahi waxa weeyaan ninkan dadka laynaya, ee gaadhiga wata, waxa uu la mid yahay nin Ak soo qaatay oo suuqa dad ku laynaya, balse dareenka dadku maqabo, waxa mihiim ah in loo sheego qofkani inuu dhagar-qabe yahay, waana masuuliyad darro sida ay wadayaashu gaadiidka u wadaan, waxaana haboon in la iska kaashado, wacyigelina waa in la sameeyaa”.

 

Dhankale waxa uu sigaara isu dultaagay nidaamka loo marayo qaadashada liisamada gaadiidka.

 

Waxaanu yidhi."Xeerka golaha wakiillada horyaala ayaa lagu caddeyn doona tallaabooyinka uu liisanku yeelan doono, waxa jira dad laba 3 jeer mag laga bixinayo, markasta liisankiibu sitaa, maalin walba way soo noqonaysaa, dadbu laynayaa, gaadhigii ayuu haddana berri kaxaynayaa, kaasi oo kale inn laga mabuunco weeyaan”

 

Wasiirka Jidadka Somaliland, ayaa ka hadlay muhiimada ay xukuumadoodu siineyso isku-xidhka wadooyinka Somaliland iyo dalalka dariska.

 

Waxaanu yidhi."Gobolladu ahmiyad isku mida ayay inoo leeyihiin, waddankuna jidad ayuu u baahan yahay, waana baahi jirta, oo gobollada oo dhami qabaan.

 

Gobolka laftiisa u baahan in isaga gudihiisa la isku xidho, intaan meelkaleba loo gudbin, jidadka innagu xidhaya dalalka aynu jaarka nahayna ahmiyad weyn ayay noo leeyihiin, gobolka Sanaag oo kale waxa uu u baahan yahay in xeebtiisa iyo gobolka intiisa kale isku xidho, Saaxil oo kale in degmooyinkiisi lagu xidha waa mihiim, jidadka xuduuda gala Itoobiya gala in la dhiso, kuwa xeebaha tagana iyagana sidaasi si lamid ah in loo dhiso.

 

Jidka Borama iyo Lowya-cado, isla markaana jabuuti innagu xidhaysa, hadda laba jid ayaanu xooga saarayna dhismahooda, jidka Hargeysa ilaa Baligubadle, iyo Baki ilaa Borama,”

 

Wasiirka wasaaradda gaadiidka horumarinta Jidadka Somaliland, Mudane Cismaan Ibraahim Nuur Af-gaab , waxa uu boggaadiyay safaradii kala danbeeyay ee madaxweynuhu ku tagey dalka Imaaraatka Carabta iyo guulihii uu ka soo hooyay.

 

Waxaanu yidhi."Safarka Madaxweynuhu waxa uu ahaa safar qiimo badanle, safaradaasi kala danbeeyay waxa ay ka marag kacayaan halka ay Somaliland u socoto,”

 

"Liisanka iyo Kaadhka dhalashu waa isku mid, sababto ah qofka Liisan sita waa qof sida Kaadh, gobollada dalkana waa lagu bixiya Liisamada, waxaan qaba in ay mihiim tahay in la adkeeyo liisan qaadashada” ayuu yidhi.

     
Loading...