Ajaaniibta Shaqeysta Somaliland: Canshuur la'aan iyo Macaash aan Xisaab Lahayn.

Monday May 12, 2025 - 11:32:41
hadhwanaagnews
* Dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad

Dal kasta oo xornimadiisa ilaashanaya waxa uu u baahan yahay in uu si qoto dheer u qiimeeyo cid kasta oo ku sugan gudaha xuduudihiisa, si loo hubiyo in dhaqaalaha dalka uu si siman uga faa’iidaysto dhammaan bulshada. Somaliland oo ah dal degan, nabad ah, lehna fursado ganacsi iyo shaqo, waxay hoy u noqotay dad badan oo ajaaniib ah kuwaasoo ay u fududahay in ay helaan shaqooyin iyo ganacsi gudaha dalka, balse aan bixin wax canshuur ah, islamarkaana dalka ka saara dhaqaale aan lala socon.

Muuqaalka Dhabta ah ee Ka Jira Gudaha Dalka
Waxaa si isa soo taraysa loo arkayaa ajaaniib ku sugan suuqyada magaalooyinka waaweyn sida Hargeysa, Burco, Boorama, Berbera iyo Ceerigaabo kuwaasoo kala ah:

* Shaqaale dhisme (badankoodna kasoo jeeda Bangladesh, Pakistan, Kenya, Yemen, Uganda iyo Itoobiya).

* Macallimiin iskaa u shaqeysta (Keenyaan iyo Ugaandhees)

* Dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad

* Ganacsato yaryar oo suuqa ku leh goobo ganacsi Carab iyo Aasiyaan ah

* Ajaaniibta dawarsada oo si maalinle ah lacag ugu urursada dadweynaha, ka dibna lacagaha dalka dibadda ugu dira

Canshuur Bixinta Ajaaniibta Somaliland
Inkastoo ay jiraan shuruuc waajibinaysa in ajaaniibtu bixiyaan canshuurta ku waajibtay, haddana xogta la hayo waxay muujinaysaa in kaliya 6% ajaaniibta ka shaqeysta Somaliland ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay, halka 94% kale aysan bixin wax canshuur ah.

Tixraacyo iyo Aragtiyo Cilmiyeysan

Waxaa si weyn u jira tusaalooyin caalami ah oo muujinaya sida dalalka horumarsan iyo kuwa horumaraya ba u maareeyaan shaqaalaha iyo ganacsatada ajaaniibta ah:

* Kenia waxay leedahay xeer adag oo lagu xakameeyo shaqaalaha ajanabiga ah, kaas oo dhigaya in shaqo kasta oo uu qaban karo muwaadin aan loo ogolayn ajanabi.

* Rwanda waxay leedahay nidaam online ah oo lagu diiwaangeliyo ajaaniibta, loogana qaado rukhsado shaqo iyo canshuur, iyadoo si toos ah ugu xiran waaxda canshuuraha.

* Ethiopia waxay si cad u kala saartaa ajaaniibta shaqaalaha ah, ganacsatada, iyo kuwa kale, waxayna ku xirtaa shuruudo adag oo ogolaansho, rukhsad, iyo canshuur isugu jira.

Haddaba, Somaliland haddii ay rabto inay sii xajiso madaxbannaanideeda, sumcadda caalamiga ah iyo horumarka dhaqaale ee ay higsanayso, waa in ay waqti-gelisaa sameynta nidaam u gaar ah oo ku dhisan:

* Accountability (Mas’uuliyad) – Qof kasta oo dalka ka shaqeeya waa inuu bixiyo waajibaadkiisa canshuuraha.

* Inclusivity (Iskaashi iyo Ka-qaybgal ama wada jir) – Muwaadiniinta maxalliga ah ha helaan fursado ka siman kuwa ajaaniibta ah, iyadoo loo marayo xeerar u hiiliya caddaaladda tartanka.

Talo-soo-jeedin Xeer-Dejineed iyo Maamul-Dhismeed

Si looga hortago arrintan, loogana faa’iidaysto kheyraadka dhaqaale ee ka iman kara ajaaniibta, waxaa loo baahan yahay:

* Xeer gaar ah oo lagu nidaamiyo shaqada, ganacsiga iyo joogitaanka ajaaniibta dalka.

* In la aasaaso waax gaar ah oo canshuuraha ajaaniibta la socota, kuna shaqaysa la-talin, kormeer, iyo uruurin.

* In dawladaha hoose ay fuliyaan canshuur maalinle ah oo lagu soo rogo dadka dawarsada ama ganacsiga yaryar ku leh waddooyinka.

* In la dhiso nidaam casri ah oo dhijitaal ah oo lagu diiwaangeliyo dhammaan ajaaniibta shaqeeya, lana waafajiyo xogta hay’adaha kale.

* In la helo iskaashi joogto ah oo u dhexeeya wasaaradaha ku shaqada leh, si la isugu gudbiyo xogaha ajaaniibta ee laga helo degmooyinka.

* In la dhiirrigeliyo muwaadiniinta leh ganacsiyada yaryar si ay ula tartamaan ganacsatada ajaaniibta, iyadoo la siinayo fursado maalgelin ah.

Talo-soo-jeedin Xeer-Dejineed iyo Maamul-Dhismeed
Si looga hortago arrintan, loogana faa’iidaysto kheyraadka dhaqaale ee ka iman kara ajaaniibta, waxaa loo baahan yahay:

* Xeer gaar ah oo lagu nidaamiyo shaqada, ganacsiga iyo joogitaanka ajaaniibta dalka.

* In la aasaaso waax gaar ah oo canshuuraha ajaaniibta la socota, kuna shaqaysa la-talin, kormeer, iyo uruurin.

* In dawladaha hoose ay fuliyaan canshuur maalinle ah oo lagu soo rogo dadka dawarsada ama ganacsiga yaryar ku leh waddooyinka.

* In la dhiso nidaam casri ah oo dhijitaal ah oo lagu diiwaangeliyo dhammaan ajaaniibta shaqeeya, lana waafajiyo xogta hay’adaha kale.
In la helo iskaashi joogto ah oo u dhexeeya wasaaradaha ku shaqada leh, si la isugu gudbiyo xogaha ajaaniibta ee laga helo degmooyinka.
In la dhiirrigeliyo muwaadiniinta leh ganacsiyada yaryar si ay ula tartamaan ganacsatada ajaaniibta, iyadoo la siinayo fursado maalgelin ah.

Gunaanad
Somaliland waa dal ku dhisan dimuqraadiyad, sharci iyo nidaam. Qof kasta oo ka faa’iideysanaya dhaqaalaha dalka waa inuu bixiyo waajibaadka saaran, si loola jaanqaado nidaamka dowladnimo ee Somaliland ku faanto. Ma jiraan dalal horumaray ama kuwa soo koraya oo oggol in dad ajaaniib ahi si xor ah uga shaqeeyaan dalkooda iyaga oo aan bixin canshuur, isla markaana dhaqaalaha dalka dibadda uga saara si aan la ogayn. Dawladda dhexe iyo dawladaha hoose waxay mas’uul ka yihiin in ay degdeg u dhaqangelin karaan xeerar iyo qorshayaal cad-cad oo lagu hagaajinayo arrintan. Tani waxay horseedi doontaa:
Koboc dhaqaale oo rasmi ah
Korodhka dakhliga maalinle ah

Waxaa la joogaa xilligii Somaliland yeelan lahayd xeer casri ah oo ajaaniibta ah.

W/Q:- Daahir Cabdi Ciise
(Camey)

[email protected].
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...