Somaliland: Waa Dal Jira Aqoonsi La'aan!" Analytica Today

Wednesday June 18, 2025 - 10:22:48
hadhwanaagnews
Warbixintan ayaa waxa kale oo ay sheegtay in dedaalka iyo halganka



Warbaahinta caalamiga ah ee Analytica Today ayaa si weyn uga faalootay horumarka iyo hannaanka dawladnimada dumuquraadiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo sheegtay in Somaliland ay muujisay hufnaan dawladnimo, xasillooni, furfurnaan iyo wada-shaqayn caalami ah.

 

Muuqaal cusub oo ay baahisay Analytica Today oo ciwaan looga dhigay ‘Somaliland waa dal shaqaynaya aqoonsi la’aan (Somaliland: The Country That Exists Without Recognition) waxa uu si qoto-dheer falanqayn iyo is-bar-bar-dhig ugu sameynayaa Dimuqraadiyadda aan la ictiraafin ee Somaliland oo haddana ah dal shaqaynaya, kana madax-bannaan Soomaaliya iyo fashilka qaar ka mid ah dawladaha gobolka oo ay ugu horrayso Soomaaliya.

 

Warbixintan ayaa waxa kale oo ay sheegtay in dedaalka iyo halganka ay Somaliland ugu jirto ictiraaf raadinta madax-bannaanida qaddiyadeedu ay adduunyada ku khasabtay in ay dib u eegis ku sameeyaan qeexitaankeeda sharci ee dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sidoo kale, warbixintu waxay si xeel dheer u sharxaysaa xaaladda Somaliland oo ay ku tilmaantay dal aan si rasmi ah loo aqoonsan, balse leh dhammaan astaamihii dawladnimo: doorashooyin dimoqraadi ah, ciidamo ammaanka suga, xuduud la yaqaan, iyo lacag u gaar ah. "Somaliland waxay si buuxda uga madax-bannaan tahay Soomaaliya tan iyo burburkii 1991, markaas oo ay ku dhawaaqday in ay dib ula soo noqotay madaxbannaanidii, iyada oo burisay midawgii ay la gashay Soomaaliya xilligii xornimada,” ayay tidhi warbixintu.

 

Wariye Saran Zamanil oo ka tirsan majaladda Analytica Today oo warbixintan soo jeedinaysay, waxa ay sharraxaysaa sida Somaliland oo ah dawlad madax-bannaan oo leh ciidamo, xuduud sugan, isla markaana qabata doorashooyin xor ah aanay beesha caalamku u aqoonsanayn. Balse dhinaca kale waxa ay iftiimisay in ay jirto rejo weyn oo u muuqata in ay duminayso deyrkaasi, Iyada oo tilmaantay in in arrinta aqoonsiga Somaliland uu wax weyn ka bedelayo hindise sharciyeedka cusub ee Koongareeska Mareykanka.

 

"Hindise sharciyeedka cusub ee Aqalka Wakiillada Mareykanka la horgeeyay ayaa soo nooleeyay rajo cusub oo ku aaddan aqoonsiga Somaliland, taas oo muddo ka badan 30 sanno u halgamaysay in loo aqoonsado dal madax-bannaan. Sharcigan wuxuu noqon karaa isbeddel taariikhi ah oo ku saabsan sida Mareykanku u wajahayo Geeska Afrika” ayaa lagu yidhi warbixintan.

 

Warbixintu waxa kale oo ay falanqaysay nuxurka Xeerka Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, ee uu soo bandhigay Xildhibaan Scott Perry oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka, kaas oo ay tilmaantay in uu soo jeediyay in Somaliland si rasmi ah loogu aqoonsado qaran madax-bannaan, waxaana lagu yidhi warbixinta "Xeerkaasi Somaliland, wuxuu u noqon karaa horumar taariikhi ah ka dib in ka badan soddon sanno oo ay ku jirtay mugdi diblomaasiyadeed.”

 

Muuqaalkan ayaa lagu sheegay in Xildhibaan Perry uu ku doodayo in Somaliland ay muujisay dawladnimo dumuqiraadi ah oo xasiloon iyo iskaashi caalami ah, sidoo kalena ay muujisay haysashada wax kasta oo aanay haysan Soomaaliya, waxaana lagu yidhi "Sharcigan, in kasta oo uu weli ku jiro marxaladihiisii ​​hore, waxa uu ka dhigan yahay isbeddel taariikhi ah oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland ee Maraykanka”

 

Dhinaca kale warbixintan ayaa si weyn sharraxaad uga bixisay sooyaalka taariikheed ee Jamhuuriyaddas Somaliland, waxaana lagu yidhi "Sooyaalka danbe ayaa muhiim ah: Somaliland waxay ahayd gumaystihii Ingiriiska oo hore ula midoobay Soomaaliyadii Talyaaniga 1960. Hase yeeshee 1991-kii oo ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya iyo sannado badan oo kalitalisnimo ah, Somaliland waxay la soo noqotay madaxbannaanideedii. Tan iyo markaas, waxa ay ilaalisay doorashooyin dimuqraadi ah, ciidan, xasilooni, lacag u gaar ah, iyo xakamaynta xuduudaheeda, arrimahaas waxay hirgelisay dhammaantood iyada oo aan aqoonsi caalami ah helin.”

 

Waxa kale oo ay ka hadashay goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo Somaliland iyo xidhiidhada caalamiga ah ee ay la leedashay waddamada dunida, waxaanay tidhi "Somaliland waxay ku taallaa marin-biyoodka Bab al-Mandab oo muhiim u ah maraakiibta caalamka. Xildhibaan Pat Harrigan ayaa sheegay in Somaliland ay diiday cadaadis kaga yimid Shiinaha, taas oo uu tusaale ugu dhigay saaxiibtinimo dhab ah oo ay Mareykanka la leedahay. Somaliland waxay xidhiidh la leedahay Taiwan, waxayna diyaar u tahay inay siiso Mareykanka saldhig ciidan oo ku yaal dekedda Berbera, taasoo sare u qaaday xiisaha ay quwadaha caalamku u qabaan.”

     
Loading...