"Somaliland: Waa Saaxiib Xasiloon Dimuqraadiya oo la isku Halayn Karayo!" Tristatealert Media"

Thursday June 19, 2025 - 11:51:35
hadhwanaagnews
"Toddobaadkii hore uun ayay ahayd markii xildhibaan Scott Perry



Warbaahinta caalamiga ah ee Tristatealert ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay saaxiib xasiloon, dimuqraadi ah oo ay dawladda Maraykanku isku haylayn karto, isla markaana ah lammaane muhiim ah oo Bariga Afrika ah. Xilli ay dawladda Shiinuhu sii ballaadhinayo saamaynta uu ku leeyahay adduunka oo dhan, gaar ahaan Afrika.

 

Tristatealert oo ah warbaahin ay leedahay Magnum Broadcasting Media oo ah shirkad Maraykan ah oo maamusha 24 Idaacadood, oo soo xiganaysay xildhibaan Tom Tiffany ayaa tilmaantay in Somaliland ay tahahy xaqiiqo jirta oo ah qaran madax-banaan, xaqiiqadaas oo loo baahan yahay in siyaasadda dawladda Maraykanku ay si dhab ah uga turjunto.

 

"Toddobaadkii hore uun ayay ahayd markii xildhibaan Scott Perry soo bandhigay xeerka madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo si rasmi ah loogu aqoonsanayo Somaliland qaran madaxbannaan. Sharcigu waxa uu u jihaynayaa siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka in ay la jaan-qaado saaxiib cusub, deggan oo iskii isu maamula oo ku yaalla gobolka aadka loo xiisaynayo ee muhiimka u ah Maraykanka,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

 

Warbixintan ayaa iftiimisay doorka istiraatiijiga ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay arrimaha ammaanka iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka, iyada oo si gaar ah loo xusay muhiimadda juquraafiyeed ee goobta ay ku taallo. Waxaana lagu yidhi "Somaliland waxa ay ku taallaa goob istaraatiiji ah oo si toos ah ugu dhow marinka Bab Al-Mandeb, oo ah mid ka mid ah marinnada badeed ee ugu mashquulka badan adduunka, gaar ahaan kuwa isku xidha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Goobtan ayaa muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan maraakiibta xamuulka iyo shidaalka ee sida joogtada ah uga gudba Gacanka Cadmeed.”

 

Warbixintu waxay sheegtay in Somaliland ay leedahay dawlad shaqaynaysa, nidaam siyaasadeed oo deggan, iyo awood ay kula tacaasho khataraha ammaanka sida budhcad-badeedda iyo xagjirnimada, iyada oo aan taageero toos ah ka helin beesha caalamka. "Somaliland waa waddan saaxiib dhaw la ah Maraykanka oo mas’uul ka ah ilaalinta nidaamka gudaha, qabta doorashooyin dimuqraadi ah, isla markaana si firfircoon uga hortaga budhcad-badeedda iyo xagjirnimada.”

 

Warbaahintan ayaa sheegtay iyada oo soo xiganaysa xildhibaan Perry in Somaliland ay muujisay nidaam maamul oo hufan, xasiloon iyo iskaashi ay tahay in uu Maraykanku taageero, "In ka badan soddon sanno, Somaliland waxay muujisay nidaam maamul oo hufan, xasilloon iyo iskaashiga ay tahay in Maraykanku uu taageero,” ayuu yidhi xildhibaan Perry,” Waxaanu intaasi raaciyay "Cadawga shisheeye ee Maraykanku waxay joogaan Afrika iyo adduunka oo dhan, waxaana danta qarankeenu ku jirtaa in aannu xoojino xidhiidhka aannu la leenahay shuraakada la isku halayn karo ee wadaagga qiyamkeena oo gacan ka geysta amnigeena, markasta iyo meel kasta oo suurtagal ah.”

 

"Xoojinta isbahaysiga aannu la leenahay dalalka xorta ah, sida Somaliland oo kale ayaa aad uga muhimsan sidii hore,” ayuu yidhi xildhibaan Andy Ogles oo u waramayay warbaahinta Tristatealert, waxaanu intaa ku daray "Shacabka Somaliland waxaannu ku taageeraynaa qadiyadda gooni-isu-taagga, waxaanan rajaynayaa in ay Maraykanka la dhistaan iskaashi adag oo saaxiibnimo.”

 

"Waa xaqiiqo fudud in Somaliland ay tahay qaran madax-banaan oo iskii isu maamula oo ka go’ay Soomaaliya, siyaasadda Maraykankuna waa in ay taasi ka turjuntaa,” ayuu yidhi Xildhibaan Tom Tiffany oo u waramayay Tristatealert.

 

Xildhibaanada Maraykanka ee Scott Perry, Tom Tiffany, iyo Andy Ogles ayaa dhamaantood si cad u muujiyey in dawladda Mareykanku ay u baahantahay in ay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland, islamarkaana uu la yeesho xidhiidh dublamaasiyadeed oo dhammaystiran. Xeerka cusub ee ay soo bandhigeen ayaa ah tallaabo geesinimo leh oo ay u qaadeen garab istaagga xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan dhulka Geeska Afrika.

     
Loading...