Geedka garanwaaga ayaa la rumaysan yahay inuu waayadan danbe dhibaato weyn ku keenay guud ahaanba dhul daaqsimeedkii iyo deegaanka dhulka jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaana dhulkii xoolo daaqeenka ahaa.
Sidoo kale geedka garanwaaga ayaa sababay isbedel ku yimid ama in ay meesha ka abxaan dhirtii xero-u-dhalanka ahayd ee ka bixi jirtay dhulka jamhuuriyada Somaliland kaasoo ku keenay meelihii ay dhirta xoolaha waxtarka u leh cawsku ka bixi jireen in ay gebi ahaanba dabar go’aan.
Hadaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa warbixin ay geedka Garanwaaga ka diyaarisay haayadda FOA SWALIM dhibaatooyinka uu keenay geedka Garanwaaga iyo sidoo kale taariikh ahaan xiligii u horaysay ee dalkeena lagu arko, sida uu meesha uga saaray dhirtii iyo arrimo kale.
Geedka Garanwaaga waxaa markii ugu horreysay horraantii sanadkii 1950-naadkii Somaliland soo geliyey aagga tuulada Bullaxaar oo ku taalla xeebta Gacanka Cadmeed ee galbeedka Berbera nin dhir-beere ahaa oo Ingiriis ah oo lagu magacaabi jirey Mr. Dawson.
Mr Dawson, oo ka shaqaynayey mashruuc dhirayn ah, si loo la dagaallamo nabaad-guurka, dabeylaha siigada ah iyo dhaqdhaqaaqa ciid bacaadka ah. Mar kale oo danbe sanadkii 1970-naadkii iyo 1980-naadkii ayaa Ururada Caalamiga ah waxay soo geliyeen xeryo qaxooti oo ku yaalay Agabar, Laas Dhuurre, Biyo xidheenka (Hargeysa), saba-cad oo u dhaw Dacar-Budhuq iyo Daray-macaan oo ku taal gobolka Awdal.
Ujeedadu waxay ahayd in la yareeyo xaalufka deegaanka ay sababeen qaxootiga Itoobiyaanka 1977-1978 ee dagaalkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo baabiiyey geedahii degaannada ku hareereysan xerooyinka qaxootiga si ay ugu isticmaalaan xaabo la shito iyo loox dhismeed iyo in ay curiyaan dhir degdeg ku baxda, taas oo si dhakhso badan bedel u noqon karta geedaha sida gaabiska ah u baxa ee deegaanka dalkeena oo markaasna suurtogaliya inay bedel u noqoto xaabadii geedaha la jarayey.
Sanadihii hore Garanwaagu wuxuu ku koobnaa meelo yaryar oo agagaarka xeryaha qaxootiga ah, laakiin labaatameeye sano ka dib faafiddiisu waxay ka dhacay qaybo badan oo dalka ka tirsan, qaybta dhexe ee gobollada Awdal iyo Maroodijeex, oo ku dherersan laago fara badan oo ka soo askuma dooxyada silsiladda buuraha Goolis, durdurrada, beeraha, dhulalka biyo degga, aagga xeebta ku teedsan ee Gacanka Cadmeed laga soo bilaabo degmooyinka Lughaya ilaa Berbera, iyo sidoo kale degmada Burco ee gobolka Togdheer oo ka tirsan qaybta dhexe ee Somaliland. Ma jiraan dhulal ka tirsan qaybaha sare sare ee degmooyinka Sheikh iyo Ceerigaabo oo uu ku faafay geedka Garanwaaga.
Tababar xog ka soo ururin goobaha miyiga oo ay SWALIM sameysay si loo khariidadeeyo xaddiga faafidda noocyada geedka Garanwaaga ee ka jirta gudaha Somaliland ayaa lagu qabtay Hargeysa laga dhawre sanadood ka hor. Halkaas oo 5 meelood oo la danaynayo lagu xushay Lix shaqaalaha farsameed oo ka socda Wasaaradda Deegaanka Somaliland ayaa lagu tababarey arrimo ku saabsan sida xogta iyo macluumaadka looga soo ururiyo goobta miyiga ee uu weerarey Garanwaagu.
Juquraafi ahaan aagagga la xushay ee la danaynayo waxay ku yaalaan unugyada baxaalliga dhulka ugu muhiimsan ee Soomaaliland oo isugu jira dhul dul siman ilaa mid kala korkorreeya oo ay mid yihiin ban, oogo, buuro, silsilad buuro sare iyo ban xeebeed.
Kormeerrada
Maadaama xilligii xog uruurintu ay ahayd mid aad u qalalan; waxaa la arkayey in dhirta Garanwaaga (Prosopis juliflora) ay ahayd mid si gaar ah u cagaaran oo u adkeysata abaarta oo inta badan ubxinaysay oo lahayd dhaameel/abqo fara badan badi goobaha.
Garanwaagu (Prosopis) wuxuu u baxaa sida geed sare ama geed gab wuxuuna ka sameeyaa dhir sooc u taagan oo keyn jiq ah gudaha dhul daaqeenka u qabsaday iyo sidoo kale soodimaha beeraha dalagga. Waxaa laga helaa dhulka dhagaxa ama gururuxa ah isaga oo geed gaab firirsan ama teeteel ah oo uu la jiro qaar tiin ka mid ah. Intaas waxaa sii dheer wuxuu ka sameeyaa keymo aad u cufan oo aan dhexmari karin dhulka leh ciid-daadkeentayda ee ku hareereysan biyo-mareennada (webiyada, balliyada iyo biyo-xireennada) dhexmara xagga waqooyiga ee qararka Buuraleyda sare ee Golis oo sii kaca xagga Gacan Cadmeed.
Waxaa la arkay in Garanwaa (Prosopis) uu leeyahay awood xoog badan oo uu kula bulaalo duruuf deegaameed oo dhan, qoyaan yarida, ciid cubooley heer sare iyo midda nafaqada liidata. Waxaa uu sii badanayaa markii waqtigu sii kordhaba si xawli ah isaga oo u faafaya jihooinka oo dhan, gaar ahaan jiidda xeebta ku jeeda Gacanka Cadmeed, gudaha dhasheeda iyo dacallada biyo-mareennada iyo soohdimaha beeraha.
Cilmi-deegaanka (ecology) gobolkaan waa uu bedelmay ka dib soo-gelitaankii Garanwaaga (magaciisa cilmiga ah waa Prosopis juliflora).
Faa’iidooyinka iyo saamaynta taban ee Garanwaaga
Intii lagu guda jirey wareysiyada lala yeeshay xoola-dhaqatada iyo beer-xoola-dhaqatada deegaanka, waxay dhammaan xaqiijiyeen in ay faa’idooyin ka helaan geedka Garanwaaga gaar ahaan wakhtiga ay dhacaan abaarta, in kasta oo uu ka qaalib noqday qaar ka mid ah dhirta loo doorbido calaf-daaqa sida noocyada xudhuunka/daluugga iyo kuwo kale.
Gunaanad
Ku fidista degdegga ah ee Garanwaaga dhulalka carshinta fiican iyo beeraha waraabka waa wax aad u naxdin leh oo bulshooyinka si weyn u saamaysay. Dadka degaanka waxay og yihiin in aanay aqoon aasaasi ah u lahayn tallaabooyin lagu xakameeyo oo dhammaystiran iyo farsamooyinka la qabsiga si looga takhaluso Garanwaaga sida xawliga ah ugu fidaya dhulka. Waxa kale oo ay dhammaan aqoonsan yihiin in aan qofna masuul ka ahayn inuu kaxakameeyo Garanwaaga ku faafidda dhulalka la wadaago.
Waxay sheegayaan in dhawr jeer NGO-yo kala duwani ay iyaga abaabuleen si ay jiqda Garanwaaga uga cidhibtiraan waddooyinka iyo meelo ka mid ah xaafado tuulooyin la xushay iyadoo la sameynayo tallaalo rujin, jarid iyo geedo gubid, qoryo gubid dhuxul laga soo saaro ama gubid dambas ka dhigid ah meelo uu qabsaday.
Qalabka caadiga ah ee ay u isticmaalaan dabargoynta Garanwaaga iyo xakamaynta waxaa ka mid ah isticmaalka faasaska, gacan ku rujinta iyo mashiinada sida cagafta; si kastaba ha ahaatee, dadka halkaas jooga waxay ka walaacsan yihiin sida Garanwaagu uu si fudud oo degdeg ah dib ugu dhasho iyo sida aan cidina uga takhalusi karin abuurka carro jiifka ah oo uu soo baxo/biqlo qaar ka mid ah markii la saaro jiridda geedka Garanwaaga ka dib.