Ilma iska soo xaaqidda, waa wax kala qeybsanaan ballaaran ka dhex abuuray waddamo badan oo caalamka ah, waxaana laga mamnuucay qaar kamid ah dalalkaas.
Arrintan ayaa sidoo kale saameyn wanaagsan ku leh nolosha malaayiin haween ah oo dunida ku nool.
Kuwa go'aansada inay ilmaha iska soo xaaqaan, waxay keliya u mari karaan laba waddo, oo kala ah qalliin ama arrimo caafimaadkooda la xirriira.
Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in la adeegsan karo dawooyinka qaar si ilmaha loo soo saaro.
Waxay sheegtay in hadii la heli waayo dawada mifespristone, la isticmaali karo dawada kale ee misoprostol keliya.Ha yeeshee dawadan, looguma talo galin ilma iska soo rididda. Waxaa loo isticmaalaa gaaska caloosha, waxaana suuqa ay soo gashay bartamihii 1980-yadii iyadoo markaas la oran jiray Cytotec.
Haween ka soo jeeda koonfurta waddanka Mareykanka ayaa noqday dadkii ugu horeeyay ee ogaaday in siyaabo kale loo isticmaalo karo dawada, oo ah in loo adeegsan karo ilma iska soo xaaqidda.
"Waxaa shaaciyay siyaabaha kale ee loo isticmaali karo dawadan"
"ani waxay dhacday sannadihii 1980-meeyadii, haweenka oo dhaqaale ahaan hooseyay, waxay bilaabeen inay ogaadaan in daawada loo sameeyay in lagu daweeyo gaaska caloosha ku dhaca sidoo kale loo isticmaali karo ilma iska soo rididda," ayay tiri Dr. Georgina Sánchez Ramírez oo ah qoraaga buugga "Xaqiiqooyinka iyo caqabadaha daawooyinka ilmo iska soo rididda ee Mexico."
"Sidaa awgeed, sida caadiga ah, warkan ayaa gaaray dad badan, waxaana bilaabatay hadal heynta la xiriita suurtagalnimada dawadan loogu isticmaalo karo in ilmaha la isaga soo rido," ayuu yiri dhaqtar ku takhasusay cudurada haweenka iyo cafimaadkooda oo ka howl gala xarunta Frontera Sur oo ku taala dalka Mexico.
Dawada Misoprostol waxaa la soo saaray sanadkii 1973-dii, waxaana soo saartay shirkadda sameysa dawooyinka ee Searle. Inkastoo dawada loo soo saaray in loo isticmaalo xanuunada caloosha, waxaa la ogaaday in saameynta ka dhalan karto isticmaalkeeda ay tahay inay sababi katro in ilaha caloosha ku jira uu soo dhico.
Dabayaaqadii 1980-yadii, iyadoo laga jawaabayo sharci ahaanshiyaha ilma iska soo rididda dalka Brazil, haweenka ayaa bilaabay inay isu tilmaamaan dawadaas si loogu isticmaalo ilma iska soo xaaqidda.
Sanadkii 1987-dii, baarayaasha Faraansiiska ayaa soo saaray nooc kamid ah dawada mifepristone, oo marka lagu daro nooca misoprostol, labaduba loo adeegsan karo in ilmaha la isaga soo xaaqo.
Balse xiligaas, haweenka koonfurta Mareykanka, waxay si aad ah u isticmaalayeen misopristol, sida uu sheegtay Dr. Sanchez Ramirez.
"Ka hor inta aanan dawada mifepristone lagu soo saarin sheybaar ku yaala dalka Faransiiska, haweenka koonfurta Mareykanka waxay hore uga war hayeen qiyaasta iyo sida loo isticmaalayo dawadan loo soo saaray in lagu daweeyo gaaska caloosha", ayuu yiri khabiirka.
Sida ay u shaqeyso daawadan
Daawada ilmaha la isaga soo rido uma baahna hannaan qaliin, waxaana inta badan lagu sameyn karaa xitaa adigoo gurigaaga ku sugan.
Waxaa inta badan la isku daraa dawooyinka kala ah mifepristone iyo misoprostol, si ilmaha la isaga soo xaaqo.
Dawada marka hore la isticmaalo waa mifepristone, taas oo joojisa hormoonka progesterone, oo jirku u baahanyahay, si uu u koro ilmaha caloosha ku jiro.
Dawada labaad ee misopristol, waxaa la isticmaalaa 24-48 saacadood kadib. Saacado yar kadib isticmaalka dawadan, waxaa qarxa minka, taas oo keenta xanuun, dhiig bax iyado markii dambena sababto dilan.
Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, waxay sheegtay, hadii mifepristone aanan la heli Karin, la isticmaali karo misopristol.
Mareykanka oo kale, in ka badan kala bar ilma iska soo xaaqidda la fuliyo, waa kuwa loo isticmaalo dawooyin.
BBC/SOMALI