Sicir-bararka Somaliland 2025: Xogta waa la hayaa, laakiin ficil baa maqan

Friday October 31, 2025 - 15:02:30
hadhwanaagnews
Maxay Dawladdu Ku Qaldan Tahay?



Sannadkan 2025, sicir-bararka Somaliland weli waa mid sareeya oo taagan. Warbixinta cusub ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa muujisay in heerka sicir-bararka sanadlaha ah uu gaaray9% bishii Sebtembar 2025 (Somaliland’s Consumer Price Index (CPI)), halka bishii hore uu ahaa 8.6%. Inkastoo tiradani aysan ahayn mid si weyn u korodhay, haddana waxa ay muujinaysaa in qiimaha nolosha ee shacabka uu si joogto ah u kacayo.


Marka la eego faahfaahinta xogta,cunadaayaa noqotay hormuudka sicir-bararka. Qiimaha Miraha(+38.2% sanadkii hore marka la barbardhigo) iyo saliidaha cuntada (+29.3% sanadkii hore marka la barbardhigo) ayaa horseeday kororka weyn ee qiimaha cuntada, halka guryaha, biyaha, korontada, iyo shidaalkuna (+10.4% sanadkii hore marka la barbardhigo) ay cadaadis dheeraad ah ku dareen.


Maxay Dawladdu Ku Qaldan Tahay?


Inkasta oo wasaaraddu ay si joogto ah u soo saarto xogta qiimaha suuqyada, haddanatallaabooyin wax ku ool ahoo lagu yareeyo sicir-bararka lama arag. Waxaa jira dhowr arrimood oo muhiim ah oo la dayacay:

1.Ku tiirsanaanta cuntada dibadda laga keeno.In ka badan kala bar cuntada Somaliland waa la soo dejistaa. Taas macnaheedu waa in marka qiimaha caalamka ama sarifka dollarku kaco, isla markiiba qiimaha suuqa gudaha uu kor u boodo.

2.Beeraleyda gudaha waa la hilmaamay.Ma jiraan barnaamijyo joogto ah oo lagu dhiirrigeliyo wax-soosaarka maxalliga ah, sida abuur tayo leh, qalab beeraha, iyo biyo xireenno.

3.Ma jiro nidaam lagu xakameeyo qiimaha suuqa.Ganacsatada qaar ayaa si fudud u kordhiya qiimaha marka alaab yaraan timaaddo, iyadoo aan jirin kormeer adag oo dowladeed.

4.Dhaqaale-maamul daciif ah.Hoos u dhaca qiimaha shilling-ka iyo sicirka sarifka oo aan la xakameyn ayaa sii kiciyay sicir-bararka.


Xalalka Lagu Joojin Karo Kororka Qiimaha


Dawladdu waa in ay ka gudubtaa heerka tirakoobka oo keliya, kuna tallaabsataa ficillo wax ku ool ah:

•In la maalgeliyo wax-soosaarka gudaha.Horumarinta beeraha, bacriminta, iyo kaydinta dalagyada ayaa muhiim u ah sugidda cuntada iyo hoos u dhigidda qiimaha.

•In la dhiso kayd qaran oo cunto iyo shidaal ah, si looga hortago saameynta isbeddellada caalamiga ah.

•In la xoojiyo siyaasadda lacageed iyo midda canshuuraha, si loo xakameeyo sicirka sarifka iyo wareegga lacagta.

•In la sameeyo gole siyaasadeed oo isku duwa xogta iyo ficilka, si CPI-ga bishii walba uu u noqdo qalab go’aan-qaadasho, ee uusan noqon kaliya warbixin la daabaco.


Sicir-bararka Somaliland waa calaamad muujinaysa daciifnimada siyaasadaha dhaqaale ee gudaha. Xogta dowladdu waa mid wanaagsan oo joogto ah, balse xog la’aan ma jiro – waaficil la’aan.

Si loo xasiliyo nolosha shacabka, waa in dawladda iyo hay’adaha dhaqaalaha ay diiradda saaraansoo-saar maxalli ah, ilaalinta sarifka, iyo xakamaynta suuqa. Taas mooyee, tirakoob kasta oo la soo saaro wuxuu noqonayaa kaliya digniin kale oo aan wax laga baran.

W/Q: Ciid Xaashi 

Ide Mohamed Hachi <[email protected]>

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...