DEG DEG Xukuumadda oo Shaacisay in Magaalooyin Badani Ka Faa'iidi Doonaan Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Monday June 10, 2024 - 10:15:05
hadhwanaagtv
Sidaasna waxa Wasaaradda horumarinta Maaliyaddu



Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in magaalooyin badan oo xadka ku teedsani ay horumar ka dheefi doonaan heshiiska isfahan ee ay kala saxeexdeen SOMALILAND iyo Itoobiya.


 

Sidaasna waxa Wasaaradda horumarinta Maaliyaddu ku sheegtay farriin ay ku baahisay barteeda X (Twitter), oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka ee SOLNA, waxayna u qornayd sidan:-


 

"Magaalooyin badan oo ku yaalla xudduuda ayaa horumar ka macaashi doona heshiiska isfahan ee Somaliland iyo Itoobiya.


 

Magaalooyinkan oo labada dal ka kala tirsan waxa ka mid ah; Aw Barre, Wajaale iyo tobanaan magaalo oo kale oo dhaqaale ahaan ka faa’iidi doona marka uu hirgalo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.”

     
Loading...