'' Walee Nin Aan Sirtii Garanayoow , Kuuma Sacabeeyo ''.

Thursday May 21, 2020 - 09:26:50
Hadhwanaagtv
W/Q: Ahmed Nour Guruje

Sheekaba sheeko ayay keentaaye , waxaa la yidhi waagii lixdimaadkii ee xisbiyaddu jireen , ayaa nin siyaasiyi casuumay rag uu ku jirro abwaan qaasin alle ha u naxariistee isagoo taageerayo ka doonayay hasa yeeshee taageeradda muu muujinine si dadban oo casuumadda quraaceeda ayuu u soo dhigay , dabeeto markii casuumaddi lagga kacay ayuu qaasin gabaygan tiriyey ,

 

Walee nin aan sirtii garanayoow , kuuma sacabeeyo ,

 

Walee subax quraacdeed khalqiga kagama soocnaado ,

 

walee sun iyo dacar qooshaneey sooryo kuma moodo ,

 

walee reer galbeed sahansadoow ima sabaalaysid ,

 

surma seegtadii horreba waan sirin sirqaysnaaye ,

 

walee inaan salaan dib u noqdaa igama suurtowdo .

 

Imika waa halkaa Abwaan qaasine , walee nin aan sirtii garanayoow kuuma sacabeeyo .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...