Muddadii ay jirtay xukuumadda cusub ee Somaliland, waxa si weyn loo xoojiyay dedaallada ay Somaliland ugu jirto horumarinta dhaqaalaha, qabashada iyo ka faa’iidaysiga biyaha roobka, wax-soo-saarka beeraha iyo isku-filnaansho dhanka cuntada ah. Sidoo kale waxay xukuumaddu si joogto ah u horumarinaysaa dhinacyada nolosha bulshada iyo kaabayaasha.
Mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee xukuumadda cusub ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ay xoogga saarayso ayaa ah kor u qaadista wax-soo-saarka gudaha, gaar ahaan dhanka beeraha. Wasiirka Horumarinta Khayraadka Biyaha, Mudane Abubakar Cabdiraxman Good, ayaa sheegay in la hirgelinayo mashaariic waaweyn oo la doonayo inay wax ka beddelaan baahida Somaliland u qabto dhinaca isku filnaanshaha cuntada dibadda laga keeno. Qorshahaasi wuxuu ku saleysan yahay in dalka laga beero Qamadigii ugu badnaa abid, si looga baxo ku tiirsanaanta soo dhoofsashada dibada.
Waxaa la filayaa in beero waaweyn laga hirgeliyo deegaanno badan oo ku habboon wax-soo-saarka, taas oo u suurtagelinaysa Somaliland inay noqoto mid ka mid ah dalalka ugu wax-soo-saarka badan dhanka Qamadiga ee gobolka. Haddii mashruucani hirgalo sida loogu talagalay, waxa la filayaa in Somaliland ay noqoto mid ka qaybqaadata quudinta qaaradda Afrika.
Biyaha: Xudunta Horumarka Beeraha
Si loo suurtageliyo wax-soo-saarkaasi ballaadhan, waxa la bilaabay mashaariic kale oo muhiim ah oo lagu xoojinayo kaabayaasha biyaha. Qorshayaashaaso waxa ay ku saleysan yihiin hirgelinta dhaam-biyoodyo waaweyn, oo qaadaya ilaa 10 bilyan oo foosto, si wax looga qabto biyo yaraanta iyo helitaanka biyo waara oo u qalma beeraha iyo nolosha dadkaba.
Deegaanka Xaaxi ayaa ka mid ah meelaha laga hirgelinayo laba dhaam oo waaweyn, kuwaas oo si weyn u kordhin doona kaydka biyaha ee dalka. Sidoo kale, waxaa dib u habayn lagu samayn doonaa il-biyoodkii hore ee burburay, iyadoo la dhisi doono riig-biyoodyo cusub si loo helo biyo nadiif ah oo joogto ah.
Xukuumadda Somaliland waxa ay si cad u muujinaysaa in isbedelka laga doonayo dhinacyada wax-soo-saarka cuntada iyo biyaha uu yahay mid u gogol-xaadhaya mustaqbal dhaqaale oo ka madax bannaan gargaar dibadeed. Haddii qorshayaashan lagu guulaysto, waxa suurtagal ah in Somaliland ay noqoto dal quudiya dalal kale, halkii ay ka ahaan lahayd mid gargaar sugaya.
Mashruucyadani waxa ay tusaale u yihiin yididiilo, hufnaan iyo han cusub oo ay wado xukuumadda cusub, taas oo aan u baahnayn oo keliya taageero gudaha ah, balse sidoo kale u baahan dhiirigelin iyo iskaashi caalami ah.
Xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeena ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo jirtay muddo aad u kooban ayaa si geesinimo leh ugu tallaabsanaysaa horumar waara iyada oo aan taageero buuxda ka helin caalamka. Iyada oo si weyn diiradda loo saarayo wax-soo-saarka gudaha iyo kaabayaasha, taas oo caddeyn u ah himilada xukuumadda ee ku aaddan horumar iyo isku-filnaansho qaran.