Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Qaabilay Safiir Dhawaan La Soo Magacaabay

Tuesday October 29, 2019 - 17:29:08
Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Qaabilay Safiir Dhawaan La Soo Magacaabay


Muqdisho(HWN):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudaneXasan Cali Khayreayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Danjiraha cusub ee Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Staffan Tillander.




Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab, iyo sii wadidda taageerada dowladda Sweden ay qaybta uga qaadato dib u kabashada Soomaaliya.


Sweden waxa ay kamid tahay dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya oo waqtiga dheer qaybta ka ahaa dadaallada lagu horumarinayo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.




MadaxweyneMaxamed Cabdullaahi Maxamed FarmaajoayaaOctober 16, 2019warqadaha safiirnimo ka guddoomay danjire Staffan Tillander oo bedelay safiirkii hore ee Sweden, Andreas von Uexküll.

     
Loading...