Xildhibaan Gavin Williamson ayaa saadaaliyey in sannadaha..
Xoghayihii hore ee Gaashaan-dhigga Ingiriiska isla markaana ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka UK Gavin Williamson, ayaa dawladda taagta daran ee Soomaaliya ku tilmaamay dawlad fashilantay.
Xildhibaankan ayaa ku booriyey madaxda Soomaaliya inay qiraan qarannimada Somaliland, halkii ay taas beddelkeeda ku mashquuli lahaayeen wax uu ku sifeeyay "ciyaaraha doqoniimada."
Xildhibaankan oo si weyn ugu ololeeya qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qoraal uu ku faafiyey barta X ee hore loo odhan jiray Twitter, oo ay soo turjuntay Wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, wuxuu ku bayaamiyey in Madaxweynaha Soomaaliya aanu wada xukumin magaalada Muqdisho, taasina ay cadayn u tahay fashilka dawladiisa.
Xildhibaan Gavin Williamson ayaa saadaaliyey in sannadaha soo socda ay dalal badani aqoonsan doonaan Somaliland, oo ah dalka keliya ee nabadgalyo iyo hannaan dimuquraaddiyadeed ka hirgaleen ee ka jira gobolka Geeska Africa.
Muddooyinkii u danbeeyay waxay warbaahinta caalamiga ahi tebinaysay inay kordheen doodaha caalamku ka yeellanayo qaddiyadda Somaliland marka laga eego masraxyada siyaasadda dunida, maadaama ay dhawr iyo soddonkii sanno ee u dambeeyey ay Jamhuuriyadda Somaliland hirgalisay haykal dawladnimo oo dhammaystiran, nabadgelyo cago adag ku taagan iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo muddo dheer Somaliland ka qabsoomayay.