"Anigoo Faraxsan Ayaan Soo Galay, Anigoo Faraxsanna Waan Ka Baxayaa" — Cabdikarin Mooge

Tuesday May 12, 2026 - 09:14:30
hadhwanaagnews
"Walaalkay Cabdiraxmaan Soltelco laman dareensaneen


Maayirkii hore ee caasimadda Hargeysa, Cabdikarin Axmed Mooge, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xil ka qaistii lagu sameeyey, isagoo sheegay inuu shaqada kaga tagayo qalbi furan iyo niyad wanaagsan.


 

Cabdikarin Mooge ayaa sheegay in markii hore uusan si dhab ah u dareensanayn culayska iyo masuuliyadda shaqada Dawladda Hoose, balse uu si weyn u fahmay intii uu xilka hayey, gaar ahaan kaalintii uu ku lahaa maamulidda caasimadda Hargeysa.


 

"Walaalkay Cabdiraxmaan Soltelco laman dareensaneen markii hore culayska shaqadan leedahay, laakiin markaan imid ayaan dareemay,” ayuu yiri Mooge.


 

Sidoo kale, wuxuu xusay inuu shacabka dib ula hadli doono marka uu dhammaado muddo xileedkiisa xildhibaanimo, isagoo uga mahadceliyey taageeradii ay siiyeen intii uu xilka hayey.


 

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli Golaha Deegaanka Hargeysa ay doorteen hoggaan cusub kadib mooshinkii xilka looga qaaday isaga iyo ku-xigeenkiisii.

     
Loading...