Xisaabiyaha Guud: Dowladda Oo Dhamaystiraysa Diiwaangelinta Hantida Ma-guurtada Ah Ee Qaranka

Wednesday August 05, 2026 - 11:33:33
hadhwanaagnews
Xisaabiyaha Guud ayaa xusay in qorshahan uu saldhig u noqon doono hirgelinta...



Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xasan Muuse Khaliif, ayaa sheegay in dowladda ay waddo qorshe lagu dhamaystirayo diiwaangelinta hantida ma-guurtada ah ee qaranka, si loo xoojiyo maamulka maaliyadda, isla-xisaabtanka iyo maaraynta hantida dowladda.

 

Xisaabiyaha Guud ayaa xusay in qorshahan uu saldhig u noqon doono hirgelinta nidaam dowladeed oo casri ah, kaas oo si sax ah loogu diiwaangelinayo looguna maamulayo hantida qaranka.

 

Waxa uu sheegay in dowladda ay dhammaystirayso hawl hore loo bilaabay, si loo helo xog sugan oo ku saabsan dhammaan hantida ma-guurtada ah ee qaranku leeyahay, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta nidaamka maaliyadeed ee Somaliland.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Xisaabtii caadiga ahayd ee dowladnimo ayaan doonaynaa in aanu bilowno iminka, hore waa loo soo bilaabay waana dhamaystiraynaa. Qaran la aqoonsan yahay ayaynu nahay, waxaanu noqonayaa qaran wax haysta oo hanti leh marka la diiwaangeliyo hantida ma-guurtada ah. Ma noqonayno qaran faro-madhan.”

 

Xisaabiyaha Guud ayaa tilmaamay in diiwaangelinta hantida ma-guurtada ahi ay xoojin doonto hufnaanta maamulka maaliyadda, isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo ilaalinta hantida qaranka, iyadoo sidoo kale saldhig u noqon doonta qorsheynta iyo maaraynta khayraadka dowladda mustaqbalka.

     
Loading...