hadhwanaagnews

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in shaqaalaha dowladda ay fasax rasmi ah ka yihiin shaqada maalmaha Isniinta iyo Salaasada oo ku beegan 18-ka iyo 19-ka May 2026.
Fasaxan ayaa la xiriira munaasabadda qaran ee 18-ka May, oo ah maalinta ay Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda.
Hay’addu waxay sheegtay in fasaxan uu quseeyo dhammaan hay’adaha dowladda, iyadoo shaqaalaha loogu baaqay inay ka qeyb qaataan munaasabadaha iyo dabaaldegyada maalmaha qaranimada Somaliland.