Warkaasi jawaabta ahina wuxuu u qornaa sidan:-
Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Maraykanka iyo Canada, Bashiir Good ayaa jawaab kulul ka bixiyay warqada madaxweynaha Soomaaliya uu Maraykanka ugu bandhigay inuu ku wareejiyo dekedo ay ka mid tahay marsada caalamiga ah ee Berbera.
War qoraal ah oo xafiiska danjire Bashiir Good ku baahiyeen degelka X(Twitter), oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in Somaliland iyo Maraykanku hore uga wada hadleen sidii Washington uga faa'iidaysan lahayd magaalada Berebera.
Warkaasi jawaabta ahina wuxuu u qornaa sidan:-
"Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag u daadifaynaysaa dalabka sharci-darrada ah ee Soomaaliya ugu soo bandhigtay Maraykanka inay ku wareejiso maamulka dekedda Berbera.
Somaliland waxay si joogto ah ula shaqaynaysaa Maraykanka si loo xoojiyo danaha istiraatiijiyadeed ee ay wadaagaan, gaar ahaan gobolka istiraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Somaliland waxay ku soo dhaweysay dalkeeda weftiyo ka socda AFRICOM si ay u qiimeeyaan sida ugu wanaagsan ee Maraykanku uga faa'iidaysan karo dekedda Berbera, si loo xoojiyo howlgalka ciidamada ee Geeska Afrika.
Sida ku cad sharciga difaaca qaranka ee Maraykanka (NDAA 2023), Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Maraykanka waxa xeerkaasi ku waajibiyey in ay si joogto ah Congress-ka ugu soo gudbiyaan warbixinnada ku wajahan xoojinta xidhiidhka difaaca, diblomaasiyadda, iyo horumarka ee Somaliland iyo Maraykanka.
Ficilka Soomaaliya ee ah in dal saddexaad u hibbeeyo dhul dal kale leeyahay waddan kale waa arrin aan xitaa lagu gudbin karin filim, waana wax lagu qoslo.
Madaxweyne Donald Trump-na wuxuu si fudud u fahmi karaa khiyaamadan oo kale, taas oo meel ka dhac ku ah isaga iyo shacabka Maraykankaba."