Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha dibaddu wuxuu warqadaasi
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa jawaab ka bixiyay qoraal Madaxweynaha dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya u diray Maraykanka oo uu ku booriyay inuu ku wareejin doono xeebaha ku yaalla badda cas oo aanu isugu xukumin.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha dibaddu wuxuu warqadaasi kaga jawaabay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X(Twitter) oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA.Waxaannu caddeeyay in cilaaqaadka beesha caalamku ku danaynayso xidhiidhka ay la yeellanayaan Jamhuuriyadda Somaliland uu salka ku hayo rabitaankooda iyo inay garwaaqsadeen in Somaliland tahay mid lala macaamili karo oo la isku hallayn karo,arrintaasi oo aanay Soomaaliya kula tartami karin.
Agaasimaha guud wuxuu xusay in Somaliland sooyaalkeeda taariikheed ay ku muujisay xasillooni cago adag ku taagan, horumar dimuqraaddiyadeed, iyo maamul hufan, taasoo ka dhigaysa dal mudan inuu la falgalo oo wax la qabsado beesha caalamka.
Agaasime Maxamed Xasan wuxuu ku tilmaamay Soomaaliya "dal fashilmay" oo ay hadhaysay xasilooni darro, argagixiso, iyo tobanaan sanno oo gargaarka caalamiga ee la siiyo ay si khaldan u isticmaalaysay, waxaanu xusay in la joogo wakhtigii lala xisaabtami lahaa.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha dibaddu wuxuu sheegay in la joogo wakhtigii saxda ahaa ee beesha caalamku la macaamili lahayd Somaliland.