DEG-DEG: Booliska Puntland oo Faahfaahiyey Howlgalka Amni ee Ka Socda Gaalkacyo

Wednesday August 05, 2026 - 14:06:39
hadhwanaagnews
Booliska Puntland ayaa sidoo kale caddeeyey in tallaabooyin adag oo waafaqsan



Ciidanka Booliska Puntland ayaa ku dhawaaqay inay maanta howlgal amni ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaas oo lagu beegsaday goobo ay sheegeen inay ku sugnaayeen kooxo hubeysan oo khatar ku ahaa amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta Puntland.


 

War-saxaafadeedka Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo sarreynta sharciga, ilaalinta shacabka iyo ciribtirka kooxaha hubeysan ee halista ku ah amniga.


 

Booliska Puntland ayaa sidoo kale caddeeyey in tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata falal amni-darro, haysata hub ka baxsan nidaamka dowladda ama halis gelisa nabadda iyo kala dambeynta.


 

Waxaa kale oo war-saxaafadeedka lagu xusay in Dowladda Puntland ay ka go'an tahay inaysan marnaba u dulqaadan doonin koox ama shaqsi kasta oo u adeegaya cadowga Puntland ama khalkhal gelinaya amniga iyo xasilloonida deegaannadeeda.


 

Booliska Puntland ayaa sheegay in howlgalka uu weli socdo, isla markaana faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan natiijooyinka howlgalka la baahin doono marka uu soo geba-gaboobo.

     
Loading...