hadhwanaagnews
Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shacabka uga digay khataraha ka dhalan kara roobabka la saadaalinayo inay ka da’aan dalka, kuwaas oo sababi kara waxyeellooyin kala duwan.
Taliska ayaa sheegay in maadaama lagu jiro xilli-roobaad, isla markaana la filayo roobab badan, ay muhiim tahay in shacabka ku dhaqan gobollada, degmooyinka iyo miyiga Somaliland ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah si ay uga fogaadaan khataraha ka dhasha roobabka.
Ciidanka Booliska ayaa bulshada kula taliyey inay ka fogaadaan dooxyada, laagaha, fiilooyinka korontada iyo goobaha kale ee ay biyuhu maraan, si looga hortago shilalka iyo waxyeellooyinka ka dhalan kara roobabka.
Sidoo kale, Taliska Booliska ayaa wadayaasha gaadiidka faray inay yareeyaan xawaaraha, muujiyaan feejignaan dheeraad ah, isla markaana u hoggaansamaan awaamiirta Ciidanka Booliska, si loo ilaaliyo badbaadada nafta iyo hantida bulshada.
Ugu dambayn, Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa ugu baaqay shacabka inay si dhab ah u qaataan digniinta, kana fogaadaan goobaha halista ah inta lagu jiro xilliga roobabka, si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara roobabka iyo daadadka.