Hoggaanka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Oo Qiimeeyay Waxqabadka Waaxda Xidhiidhka Gobollada

Saturday July 04, 2026 - 14:49:03
hadhwanaagnews
Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Gobollada, Cabdiqani Siciid Maxamed,

May be an image of one or more people, television, suit, newsroom, dais and text


Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, Cali Axmed Cabdi, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Axmed Cismaan Jaamac, ayaa kulan xog-waraysi iyo is-xogwaraysi ah la yeeshay maamulka iyo masuuliyiinta Waaxda Xidhiidhka Gobollada Somaliland.


 

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan hawlaha ay waaxdu qabato, waxqabadkii u hirgalay muddadii u dambeysay, caqabadaha jira iyo qorshayaasha lagu horumarinayo tayada adeegyada ay bixiso.


 

Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Gobollada, Cabdiqani Siciid Maxamed, iyo madaxda qaybaha kala duwan ee waaxda ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey doorka ay waaxdu ku leedahay isku xidhka xafiisyada gobollada, dabagalka hawlaha shaqo iyo hirgelinta qorshayaasha Wasaaradda ee heer gobol.


 

Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa bogaadiyey dedaalka ay waaxdu ka waddo xoojinta maamulka iyo isku-duwidda xarumaha gobollada, iyaga oo ku boorriyey shaqaalaha inay sii laba-jibaaraan dadaallada lagu horumarinayo wada-shaqaynta, dardargelinta adeegyada iyo tayeynta nidaamka isku xidhka xafiisyada gobolka.


 

Waaxda Xidhiidhka Gobollada ayaa door muhiim ah ka qaadata hirgelinta maamul-daadejinta, isku-dubbaridka hawlaha xafiisyada gobollada iyo xaqiijinta in adeegyada Wasaaraddu si hufan u gaadhaan bulshada ku nool gobollada kala duwan ee Somaliland.

     
Loading...