Madaxweyne Cirro iyo Wasiirka Maaliyadda Israa'iil oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Maalgashiga

Tuesday June 16, 2026 - 11:36:15
hadhwanaagnews
Dardargelinta Xidhiidhka Somaliland iyo Israa'iil

May be an image of one or more people and text


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii uu hoggaaminayey ee ku guda jira maalintii saddexaad ee booqashadooda rasmiga ah ee dalka Israa’iil, ayaa caawa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Maaliyadda ee Israa’iil, Mudane Bezalel Smotrich.

 

Kulanka oo ku qabsoomay jawi saaxiibtinimo iyo is-faham leh ayaa waxa Madaxweynaha ku weheliyey Guddoomiyaha Baanka Somaliland, wasiirro iyo xubno kale oo ka tirsan weftiga Somaliland.

 

Xoojinta Iskaashiga Dhaqaalaha

 

Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xidhiidhka dhaqaale iyo maaliyadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Israa’iil.

 

Waxa si gaar ah diiradda loo saaray kobcinta maalgashiga, horumarinta ganacsiga iyo abuurista fursado cusub oo iskaashi oo faa’iido u leh labada dhinac.

 

Masuuliyiintu waxay sidoo kale ka wada hadleen sidii hay’adaha ay khusayso ee labada dal uga wada shaqayn lahaayeen fududaynta xidhiidhka Somaliland iyo suuqyada maaliyadeed ee caalamiga ah.

 

Horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha

 

Kulanka ayaa lagu lafa-guray muhiimadda ay leedahay horumarinta hay’adaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada beeraha, biyaha, tamarta iyo tiknoolajiyadda casriga ah.

 

Madaxweyne Cirro ayaa kulanka ku soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland iyo qorshayaasha xukuumaddu ku doonayso inay ku kobciso dhaqaalaha dalka.

 

Mashaariic Horumarineed oo Waaweyn

 

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay abuurista hannaan maaliyadeed iyo dammaanado lagu taageeri karo hirgelinta mashaariic waaweyn oo horseeda koboc dhaqaale iyo horumar waara.

 

Waxa la isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo maalgelinta iyo iskaashiga dhaqaale ee wax ku oolka ah.

 

Marxalad Cusub oo Iskaashi ah

 

Kulankan ayaa qayb ka ah kulamo isdaba-joog ah oo Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu la yeelanayaan madaxda sare ee Israa’iil, kuwaas oo lagu xoojinayo xidhiidhka iyo iskaashiga labada dhinac.

 

Booqashadan ayaa loo arkaa mid astaan u ah marxalad cusub oo ku saabsan xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, tiknoolajiyadda, amniga iyo horumarinta bulshada.

 

Dardargelinta Xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil

 

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa muujiyey rabitaan ay ku sii xoojinayaan wada-shaqaynta iyo iskaashiga istaraatiijiga ah, si loo abuuro fursado horumarineed oo waara oo dan u ah shacabka Somaliland iyo Israa’iil.

     
Loading...