Madaxweyne Cirro Oo Furay Toddobaadka Qurba-joogga Somaliland, Kuna Bogaadiyey Doorkooda Dhismaha Qaranka

Sunday August 02, 2026 - 15:36:07
hadhwanaagnews
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ammaanay dedaalka joogtada ah ee ay....

May be an image of one or more people, dais and text


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah u furay Toddobaadka Qurba-joogga Somaliland, munaasabad qaran oo lagu xoojinayo xidhiidhka u dhexeeya qaranka iyo qurba-joogta, laguna maamuusayo kaalinta ay ku leeyihiin dhismaha, horumarka iyo difaaca Jamhuuriyadda Somaliland.


 

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda ku sheegay in qurba-joogga Somaliland ay yihiin laf-dhabarta guulo badan oo dalku gaadhay, isla markaana ay door muuqda ku lahaayeen marxaladihii kala duwanaa ee uu qaranku soo maray.

 

Waxa uu si gaar ah u bogaadiyey kaalintii ay qurba-joogtu ka qaateen halgankii dib-u-xoraynta Somaliland, isaga oo xusay in ay codkooda, dhaqaalahooda, aqoontooda iyo dedaalkooda u hureen dib-u-soo-celinta karaamada iyo xorriyadda dalka.

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu tilmaamay in qurba-joogtu laf-dhabar u ahaayeen dib-u-dhiska Somaliland kaddib burburkii iyo barakicii soo maray dalka, iyaga oo door weyn ka qaatay dib-u-soo-nooleynta adeegyada aasaasiga ah, dhismaha hay’adaha qaranka, kobcinta dhaqaalaha iyo adkaynta nabadda iyo xasilloonida.

 

Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in qurba-joogtu hormuud u yihiin maalgashiga dalka, abuurista fursadaha shaqo iyo horumarinta adeegyada bulshada, isagoo xusay inay wax weyn ka geysteen horumarinta waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

 

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ammaanay dedaalka joogtada ah ee ay qurba-joogtu ugu jiraan ololaha aqoonsi-raadinta Somaliland, isaga oo sheegay inay yihiin codka ugu muhiimsan ee dunida gaadhsiiya xaqiiqada Somaliland, nabaddeeda, dimuqraadiyaddeeda iyo qaddiyaddeeda.

 

Waxa uu carrabka ku adkeeyey in qurba-joogga aan lagu qiimayn karin kaalintooda dhaqaale oo keliya, balse ay yihiin hanti qaran oo lagu majeerto aqoontooda, xirfaddooda, hal-abuurkooda iyo waayo-aragnimadooda, kuwaas oo laf-dhabar u noqday qorshayaasha horumarineed iyo dhismaha hay’adaha casriga ah ee dalka.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga ay la leedahay qurba-joogta Somaliland, isaga oo ballanqaaday in la abuuri doono jawi dhiirrigelinaya maalgashiga, dib ugu soo noqoshada aqoonyahanka iyo ka qaybqaadashada qurba-joogta ee horumarinta dalka.

 

Gabagabadii, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku boorriyey qurba-joogta inay sii xoojiyaan midnimadooda, ka qaybqaataan dadaallada nabadda, sii wadaan ololaha aqoonsi-raadinta Somaliland, isla markaana ku adkaystaan ilaalinta diinta Islaamka iyo dhaqanka suubban ee bulshada Somaliland.

     
Loading...