hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab (Sandheer), ayaa sheegay in nabadda lagu gaadhi karo samir, geesinimo iyo Alle ka cabsi, isaga oo xusay in xukuumaddu sii waddo dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.
Wasiirku waxa uu sheegay in dowladda ay garab taagan tahay bulshada, madax-dhaqameedka iyo odayaasha ku hawlan dadaallada nabadaynta, isagoo tilmaamay in xukuumaddu dedaal ballaadhan gelisay sidii loo kala ilaalin lahaa bulshada walaalaha ah ee ay saameeyeen colaadaha.
Waxa uu sheegay in dowladda ay labada gobol ee ay colaaduhu ka dhaceen u dirtay ciidamo tiradoodu gaadhayso 5,000 askari, kuwaas oo uu sheegay inay ka shaqaynayaan sugidda amniga, kala dhexgalka bulshada iyo ka hortagga dib u soo noqoshada colaadaha.
"Nabadda waxa qaata nin samir badan, nin Alle yaqaanna iyo nin ku-dhac leh. Xukuumaddu way idin barbar taagan tahay. Dadaalka ay galisay in dadka walaalaha ah ay kala ilaaliso, shan kun oo ciidan ah ayaa labada gobol jooga. Kulaylkaas iyo dhaxanta ayay u adkaysteen, doc walbana way joogaan. Waxa ay waxaas u galisay xukuumadduna waa shacab ay jeceshay iyo umadeeda ay ugu dhaaratay inay nabadgelyo gaadhsiiso,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdalle Maxamed Carab.
Wasiirku waxa uu ugu dambayn ku baaqay in la sii xoojiyo dadaallada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, isaga oo adkeeyey in wada-hadalka iyo iskaashigu ay yihiin jidka ugu habboon ee lagu gaadhi karo nabad waarta iyo xasilloonida bulshada.