Madaxweyne Cirro Oo Soo Saaray Tallaabooyin Degdeg Ah Kaddib Cabashada Bukaanka Kelyaha

Monday August 03, 2026 - 18:42:09
hadhwanaagnews
In Si Degdeg Ah Loo Soo Iibiyo 15 Mashiin Oo Cusub



Kaddib cabashooyin ay soo jeediyeen qaar ka mid ah bukaanka qaybta sifaynta kelyaha ee Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa booqasho kedis ah ku tagay cisbitaalka si uu ugu kuurgalo xaaladda bukaannada iyo adeegyada caafimaad ee halkaas laga bixiyo.


 

Madaxweynuhu waxa uu kulan la yeeshay maamulka cisbitaalka, hawl-wadeennada caafimaadka iyo bukaannada, isaga oo si gaar ah u dhegaystay cabashooyinka ka jiray qaybta maydhista kelyaha. Kaddib booqashadaas, waxa uu soo saaray saddex go’aan oo degdeg ah oo lagu horumarinayo adeegga.

 

1. Adeegga Kelyo Maydhista Oo Gebi Ahaanba Bilaash Laga Dhigay

 

Madaxweynuhu waxa uu amray in bukaannada sifaynta kelyaha laga dhaafo dhammaan kharashaadka la xidhiidha adeegga, oo ay ku jiraan lacagihii ay ku iibsan jireen dawooyinka iyo agabka yar-yar ee loo adeegsado sifaynta kelyaha.

 

2. In Si Degdeg Ah Loo Soo Iibiyo 15 Mashiin Oo Cusub

 

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa amar ku bixiyey in si degdeg ah loo soo iibiyo 15 mashiin oo cusub oo sifaynta kelyaha ah, si loo kordhiyo awoodda adeegga, loo yareeyo culayska saaran mashiinnada hadda shaqeeya, loona suurtogeliyo in bukaanno badan ay helaan adeegga xilliyada ku habboon.

 

3. Guddi Farsamo Oo Qiimayn Ku Samaynaya Cisbitaallada Dalka

 

Madaxweynuhu waxa uu magacaabay guddi farsamo oo qiimayn dhammaystiran ku samayn doona Cisbitaalka Guud ee Hargeysa iyo cisbitaallada gobollada dalka. Guddidan ayaa baadhitaan ku samayn doona adeegyada caafimaadka, maamulka, qalabka, kaabeyaasha iyo gaar ahaan qaybaha sifaynta kelyaha.

 

Warbixinta guddidan ayaa saldhig u noqon doonta qorshayaasha degdegga ah iyo kuwa muddada dheer ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dalka.

 

Gabagabadii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale xaqiijiyey in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay horumarinta cisbitaallada dalka iyo kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka, iyadoo la eegayo awoodda dhaqaale ee dowladda, si shacabka loogu xaqiijiyo adeeg caafimaad oo hufan, tayo leh oo daboola baahiyaha jira.

     
Loading...